DF oo ka hadashay haddii uu isbedel ku yimid qaraarkii BF ee muddo kororsiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay si rasmi ah uga hadashay inuu isbedel ku yimid iyo in kale qaraarkii uu Golaha Shacabka muddo kororsiga ugu sameeyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo hay’addaha kale ee dowladda.

Hadal-hayntan ayaa soo shaac baxday kadib markii Farmaajo uu madaxweynaha DR Congo ka codsaday inuu dhex-dhexaadiyo saamileyda siyaasadda Soomaaliya, taasi oo dad badan ay u qaateen inuu diyaar u yahay wada-hadallo doorasho, oo uu ka tanaasulayo muddo kororsiga.

Hase yeeshee, sii-hayaha Wasiirka Arrimaha dibadda, Maxamed Cabdirisaaq ayaa shaaca ka qaaday in marnaba uusan isbedel ku imaan qaraarkii Golaha Shacabka ee muddo kororsiga, isagoona carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay doorashada wada-ogol ah.

Waxa kale oo uu meesha ka saaray in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo uu kala hadlay dhigiisa Congo qaraarkii Golaha Shacabka, oo ay dalalka beesha caalamka culeys ku saarayaan in gebi ahaanba meesha laga saaro.

“Doorashada mid dadban iyo mid toos ahba waa inay ahaataa mid la isku raacsan yahay oo natiijadeeda ay noqoto mid dadka oo dhan ay ku qanci karaan, waxna ismaka bedelin go’aankii uu garay baarlamaanka,” ayuu Wasiir Cabdirisaaq oo la hadlayey BBC-da.

Sidoo kale waxa uu ku cel-celiyay Wasiirku inay lagama maarman tahay in doorashada Soomaaliya nooceey ahaataba ay noqoto mid xor iyo xalaal ah oo la isku raacsan yahay.

Hadalka Wasiirka ayaa meesha ka saaraya in wada-hadalo dhex-mara saamileyda siyaasada uu meesha ka saaro qaraarkii Golaha Shacabka, maadama ay shalay wasaaraddu shaacisay in Farmaajo uu doonayo wada-hadallo la xiriira qabashada doorashooyin oo uu Midowga Afrika dhex-dhexaadinayo.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhowaaqay ‘Dowladda federaalka ayada oo tix-gelineysa dadaallada Soomaaliya ay ku qabaneyso doorashooyin loo dhan yahay, nabdoon oo waqtigooda ku dhaca, dowladdeyda waxay soo dhoweeneysaa in Midowga Afrika uu kaalin ka qaato fududeynta hanaan Soomaali ay hoggaamineyo, Soomaali-na ay leeyihiin oo hoggaamin kara wada-hadallo,’” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Mucaaradka Soomaaliya ee Farmaajo codsanayo inuu la hadashiiyo madaxweynaha Congo ayaa si weyn u diidan muddo kororsigii uu dhawaan sameystay, ilaa haddana ma muuqdo isbedel ku aadan arrinkaasi oo dhanka dowladda federaalka, lamana oga ilaa hadda halka ay wax sal dhigan doonaan.

Hoos ka dhageyso codka wasiirka