Mucaaradka oo jawaab ka bixiyey dalabkii uu Farmaajo u gudbiyey Midowga Afrika

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa jawaab kulul ka bixiyey dalabkii uu madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Famaajo uga dalbaday Midowga Afrika inay dhex-dhexaadiyaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya.

Midowga Musharaxiinta ayaa si weyn cambaareeyey isku day ay sheegeyn in Farmaajo ku doonayo inuu ku dhinac maro heshiiskii doorashada ee 17-ka September, islamarkaana uu si sharci darro ah laba sano ugu darsaday muddo xileedkiisa kadib codsi uu u diray Midowga Afrika.

“Soo jeedintii madaxweynihii hore Farmaajo ee ku aadaneyd in Midowga Afrika (AU) ay qaadato doorka hogaamineed ee fududeynta xalinta dhibaatada dastuurka ee uu sababta u ahaa isaga waa mid aan daacad aheyn madaama Madaxweynihii hore uu horay uga fogaaday sii socoshada wadahadalada u dhaxeeyo Soomaalida oo ay garwadeenka ka tahay bulshada caalamka ee AU lafteeda ka tirsan tahay,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharixiinta.

Midowga Musharixiinta ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ku eedeeyey inuu si aan cudurdaar laheyn usii wado diidmadiisa ku aadan dadaallada wadajirka ah oo ay waddo Beesha Caalamka isla markaasna uu iska dhaga tirayo baaqyada ka imaanayo Beesha Caalamka ah oo ah inaan la aqbali karin muddo kordhin.

“Madaxweynihii hore wuxuu si aan cudurdaar lahayn u sii wadaa inuu diido dadaallada wadajirka ah ee bulshada caalamka, sidoo kalana wuxuu iska indha tirayaa baaqyada uga imaanayo Beesha Caalamka ee ah inaan la aqbali karin muddo kordhin. Goluhu wuxuu rumeysan yahay in Madaxweynihii hore looga baahan yahay inuu ku baraarugo xaqiiqda jirta ee dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo dhigayo in  doorashooyinka qaranka ee madaxweynaha iyo baarlamaanka afartii sanaba mar la qabto iyada oo aan wax waqti kororsi ah la sameynin iyo in 8-da Febraayo, 2021-ka ay ahayd dhammaadka waajibaadkiisii dastuuriga ahaa,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Musharixiinta.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa sheegay inay mar kale ku celinayaan mowqifkooda ah inay taagersan yihiin heshiiskii 17-kii September, waxayna musharixiinta ugu baaqeyn madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday inuu ka laabto go’aankii 12 April ee muddo kordhinta.

“Goluhu wuxuu mar kale ku celinayaa mowqifkiisa aan kala go’a lahayn ee ah inuu taageero heshiiskii 17-kii Sebtember iyo inuu horay u socdo,  madaxweynihii hore waa inuu ka laabtaa go’aankii muddo kordhinta ee 12 Abriil oo ah mid sharci darro ah, wuxuu isku dayayaa inuu xukunka sii hayo oo uu iska indhatiro qalalaasaha siyaasadeed ee hareeyay Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka, madaxweynihii hore wuxuu sii wadaa inuu raadsado xalal milatari oo ku saabsan dhibaato kasta oo siyaasadeed,” ayaa lagu yiri warka Mushariixinta.

Ugu dambeyntii Midowga Musharixiinta ayaa ugu baaqay Hoggaanka Midowga Africa inay il gaar ah ku fiiriyaan wixii ay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ka digeyn iyo xeeladaha khiyaanada leh ee lagu doonayo in si sharci darro ah xukunka lagu sii heysto, waxayna madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ku eedeeyen inuu ku guuldaraystay inuu guto waajibaadkii loo dhaariyey ee ahaa inuu dalka ka qabto doorasho qof iyo cod ah, ama uu hirgeliyo doorashooyin dadban sida ku xusan heshiiskii 17-kii Sebtember.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay midowga Musharixiinta