Qatar oo jawaab rasmi ah ka bixisay eedeyn la xiriirta Fahad Yaasiin oo loo jeediyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa markii u horeysay si rasmi ah uga hadashay inay lacag Malaayiin doollar ah siiso madaxda waqtigoodu dhamaaday ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxay beenisay inay jiraan lacago ay Soomaaliya usoo mariso Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) Fahad Yaasiin, eedeyntaasi oo uu dhawaan u jeediyay Safiirkii hore Mareykanka ee Soomaaliya, Stephen Schwartz.

Dowladda Qatar oo qoraal rasmi ah usoo dirtay idaacada VOA-da oo wax ka weydiisay eedeynta Safiirkii hore ayaa gebi ahaanba meesha ka saartay inay si hoose dhaqaalo badan ku taageero dowladda waqtigeedu dhamaaday.

Qoraalkaas ayaa waxay Qatar ku sheegtay inay jirto lacag dhan $20 Milyan oo sanadkii tegay ay ku taageertay miisaaniyada dowladda, waxayna hoosta ka xariiqday inaysan jirin lacag madow oo ay geliso Soomaaliya.

“Qatar waxay door wax dhisid ah ka ciyaarta Soomaaliya, taasi oo aan uga gol leenahay in aan ku caawino madax-banaanida, degenaanshaha iyo horumarinta Soomaaliya. Dadaalada Qatar iyo mowqifkeedu wuxuu lamid yahay midka QM iyo saaxiibada kale ee Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka Qatar.

Sidoo kale waxay iska fogeysay inuu jiro xiriir hoose oo ka dhaxeeya Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, islamarkaana ay taageerada qarsoodiga ah ee dowladda usoo mariso asiga, sida uu hore ugu eedeyay safiirkii hore Mareykanka ee Soomaaliya.

Stephen Schwarts, Safiirkii hore Mareykanka ee Soomaaliya ayaa wareysi uu dhawaan siiyey idaacada VOA-da waxa uu dowladda Qatar ku eedeyay inay lacag sharci darro ah siiso madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, islamarkaana ay soo dhex-mariso Fahad Yaasiin oo uu sheegay inuu taas ka helay awood iyo saameyn siyaasadeed.

Qatar ayaa muddooyinkii dambe lagu eedeynayay inuu heshiis hoose kala dhaxeeyo madaxda sarre ee dowladda federaalka, hase yeeshe inta badan waxaa eedeymahaas gaashanka u daruurta dowladda Qatar oo loolan adag ku wajahaysa gobolka.