Daawo: Shirweynaha Hawiye oo laga soo saaray war-murtiyeed xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha Beelaha Hawiye oo goordhoweyd oo fiidkii ka furmay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa si adag looga hor-yimid muddo kororsiga labada sano ee madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Shirweynahaan oo ay ka qeyb-galeen Musharaxiinta mucaaradka, Xildhibaannada, Senatarada, Odayaasha dhaqanka, Aqoon-yahan iyo dad kale oo lagu martiqaaday shirka ayaa waxa laga soo saaray War-murtiyeed xasaasi ah.

Mahad Salaad oo ka tirsan mudaneyaasha golaha shacabka ayaa warbaahinta ka hor aqriyay war-murtiyeedkaas, ayaa sheegay in shirweynaha uusan madaxweynaha Soomaaliya u aqoonsaneyn Farmaajo, oo weli ku sugan Villa Somalia.

“In si deg-deg ah looga laabto go’aanka muddo kororsiga sharci darada ah, Shirweynahana waxa uu ku adkeynayaa in wado kasta lagu hor-istaago muddo kororsiga si uusan u meel-marin,” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka kasoo baxay Shirweynaha Beelaha Hawiye.

Sidoo kale waxa lagu sheegay War-murtiyeedkaan in si dalka loo bad-baadiyo ay shir deg-deg ah isugu imaadaan madaxda maamul goboleedyada iyo saamileyda siyaasada, kaasi oo uusan goobjoog ka aheyn Farmaajo, si dalka uu doorasho u aado.

“Shirweynaha waxa uu ka digaya cawaaqib xumada ka dhalata muddo kordhinta sharci darrada, wuxuuna cadeynayaa in mas’uuliyada ay qaadayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo guddoonka golaha shacabka.”

Waxay digniin adag u direen taliyeyaasha ciidanka lugta, nabad sugida iyo booliska oo ay sheegen inay ku howlan-yihiin fulinta qaraarkii muddo kororsiga sharci darada ah, iyagoona dalbaday in ciidanka laga saaro loolanka siyaasadeed.

Ugu dambeyntiina waxaa war-murtiyeedkaan lagu sheegay in go’aankii golaha shacabka ee muddo kororsiga aysan ku metelin shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay si deg-deg ah uga laabtaan go’aankaas oo xasilooni darro u horseedaya dalka.