Sawirro: DF oo kala dirtay guddiyadii doorashada ee muranka uu hareeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kala dirtay guddiyadii doorashada heer federaal iyo heer goboleed, iyo guddiyadii xalinta khilaafaadka ee lasoo dhisay kadib heshiiskii doorasho ee 17-ka September.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xilka sii-haya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa kulan afur ah la yeeshay madaxda guddiyadan kadib markii uu maanta u yeeray ra’iisul wasaare Rooble inay xafiiska yimaadaan, si loola kulmo.

Mahdi Guuleed ayaa xubnaha u sheegay in la kala diray, wuxuuna uga mahad celiyay wax uu ugu yeeray “dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6-da bilood ahayd ee ay shaqaynayeen.”

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan  guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer maamul ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha guddiyada sidoo kale lagu wargeliyay in ay ka baxaan hoteeladii la dejiyay ugu dambeyn 25-ka bishan.

Guddiyadan ayaa noqday khilaafkii ugu horreeyey ee caqabadda ku noqday doorashada, kadib markii ay dowladda kusoo dartay xubno ay mucaaradka iyo maamul goboleedyada qaar sheegeen inay yihiin sirdoon.

Guddiyada doorashada heer Qaran iyo heer dowlad gobaleedyada ayaa ka kala socday dowladda dhexe iyo maamulada kale ee kala ah, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Gobalka Banaadir.

Dowladda ayaa dhowaan sameysatay muddo kororsi laba sano ah, waxayna dib usoo celisay guddigii doorashada ee Xaliimo Yarey, taasi oo macanheedu yahay in guddiyada hadda laga saaray hoteellada aan loo baahneyn.