Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland oo maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada oo qaaday howlgal si weyn looga taxadaray ayaa beegsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannada Xawaalo-afwaax, Weelmaarow iyo Lafagari oo ka tirsan gobolkaasi, iyagoo khasaare u gaystay.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay gudaha u galeen saddexda deegaan, isla markaana ay burburiyeen godad ay Al-Shabaab ka qoteen halkaasi, kuwaas oo difaacyo u ahaa, waxaana lala simay dhulka.
Sidoo kale, ciidamada ayaa cagta mariyay xarumo iyo saldhigyo ay ku kaydsan jirin agabka oo ku yaalla halkaasi, sida ay shaaciyeen saraakiisha Danab.
Goobaha ay la wareegeen ciidamada ayaa sidoo kale la sheegay in Al-Shabaab ay kasoo abaabuli jireen weerarro qorsheysan, iyada oo ujeedka uu ahaa in laga hortego abaabulka Khawaarijta.
Ciidamada Danab oo ka duulaya amarkii uu bixiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhawaan ku dhawaaqay dagaal kama dambeys ah ayaa maalmihii u dambeeyay xoojiyay howlgallada ay ka wadaan koonfurta Soomaaliya, iyaga oo habeen hore xilli saq-dhexe ah gudaha u galay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hosoe, kadibna kusoo dilay 7 xubnood oo uu ku jiro sarkaal sare oo muhiim ah.
Howlgalkaas waxaa ka horreeyay mid kale oo isna ka dhacay deegaanka Hantiwadaag ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu dilay horjooge Cabdisalaan Macallin Abuukar oo kooxda u qaabilsanaa qorista maleeshiyada cusub iyo uruurinta baadda ee ay Al-Shabaab ka qaadaan dad shacabka ah.
Horjooge Cabdisalaan Macallin oo ay ciidamadu si dhow ula socdeen dhaq-dhaqaaqiisa ayaa lagu bartilmaameedsaday howlgal gaar ah oo la fuliyay 10-kii Luulyo 2026, xilli uu ku sugnaa guri ku yaalla deegaanka Hantiwadaag oo ugu dambeyn lagu khaarijiyay.

