FARMAAJO oo soo gaaray Muqdisho xilli ay meel xasaasi mareyso xiisadda…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Farmaajo ayaa laba sano kadib saaka kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayada oo tan iyo markii uu xilka ka degay aan lagu arag gudaha Soomaaliya, isaga oo ku noola magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyey waxaa ka taagna xaalado siyaasadeed oo ay ku kala duwanayeen mucaaradka iyo muxaafidka, ayada oo arrinta wax ka beddelka dastuurka ay ugu weyn tahay qodobadda ugu adag ee isku hayaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Socdaalka Farmaajo ayaa kusoo aadaya, iyada oo xaalad siyaasadeed ka taagan tahay dalka, islamarkaana ay siyaasiyiinta intooda badan diideen in wax laga beddelo dastuurka ama in la meel-mariyo qodobbada ay wadato Villa Somalia.

Waxyaabaha ay diidan yihiin mucaaradka ayaa waxaa kamid in dalka ay ku tartamaan doorashada soo socota laba xisbi oo keliya iyo in laga guuro hanaanka ra’iisul wasaaraha, loona guuro nidaamka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, labadaasi qodob ayaa ahaa kuwii ay diidanayeen garabka mucaaradka.

Madaxweynihii hore ee Farmaajo ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan uu Muqdisho kulamo kula qaato siyaasiyiinta ay isku aragtida yihiin oo ay kamid yihiin madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo siyaasiyiintii kale ee diidanaa wax ka beddelka dastuurka oo ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Cali Kheyre.

Si kastaba, Xiisadda dastuurka ayaa meel xasaasi ah mareysa, ayada oo weli dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay ku adkeysaneyso wax ka beddelka ay rabto, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay doodda wax ka beddelka dastuurka ka socoto baarlamaanka.