FARMAAJO oo soo saaray baaq ku socda shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray baaq ku socda shacabka Soomaaliya oo ku saabsan weyneynta maalmaha xorriyada ee 26-ka Juun ilaa 1-da Luuliyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalkiisa cinwaan uga dhigay “FARRIINTA MUNAASABADDA 26-KA JUUN.”

Hoos ka akhriso qoraalkii uu soo saaray oo dhameystiran:

Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu hambalyaynayaa 62 sano guurada ka soo wareegtay dharaartii xornimada Gobollada Woqooyi ee 26-ka Juun oo ah maalin qiima weyn ugu fadhida gobannimada iyo midnimada dalkeenna.

Halgankii gobannimo doonka, midnimada dalkeenna iyo isu-doonka ummadda Soomaaliyeed waxa uu ahaa mid ay hormuud u ahaayeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobollada Woqooyi ee dalkeenna.

Dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ahaa ee ka curtay Gobolladaa waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, waxaana xusid mudan halgankii gobannimo u dirirka ahaa ee Daraawiishta oo ka mid ah halgannadii ugu waawaynaa Qaaradda ee albaabada u furay in shucuubta Afrika ay cudud kala hortagaan gumaystihii soo duulay iyo doorkii halgameyaashii SNL oo iyaguna kaalin mug leh oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Gobollada Koonfureed ka qaatay gobannimada Goballada Woqooyi.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay weyneeyaan Toddobaadka Xorriyadda oo caawa inoo bilowday si aynu kor ugu qaadno wacyiga waddaniyadeed ee bulshadeenna, sidoo kale na u muujinno muuhiimadda ay inoogu fadhido gobannimadu.

Hambalyo munaasabadda 26-ka Juun