Farmaajo oo u baxay safar dibadda ah + ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta u amba-baxay safar dalka dibaddiisa ah, gaar ahaan waddanka Qatar oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in booqashada Farmaajo ay qaadan doonto muddo laba cisho ah, isla-markaana uu la kulmi doono Amiirka dalka Qatar.

Farmaajo iyo Tamim Bin Hamad Al-Thani ayaa ka wada-hadli doono arrimo ay ka mid yihiin  xoojinta xiriirka soojireenka ah, horumarinta iskaashiga ku qotoma is-ixtiraamka, wax wada qabsiga, horumarinta danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Safarka madaxweynaha ayaa waxaa horey usii shaacisay warbaahinta Qatar oo sheegtay in Dooxa ay casuumaad u fidisay Farmaajo iyo wafdigiisa.

Qatar ayaa aad u taageerta xukunka Madaxweyne Farmaajo, waxaana la sheegaa in si buuxda ay u dooneyso in Farmaajo dib loogu doorto Madaxweynaha Soomaaliya.

Marar badan ayuu Farmaajo sidaan oo kale safaro ugu tegay dalQatar, isagoo la kulmay Amiirka iyo madaxda kale ee ugu sareysa dalkaas, mucaaradka Soomaaliya ayaa iyaguna aad u dhaliila qorshaha Qatar ee Soomaaliya oo aan u muuqan mid dhexdhaxaad ah, sida ay qabaan.

Si kastaba, booqashada Farmaajo ee Dooxa ayaa ku soo aadeyso xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiro marxalad doorasho, iyada oo dowladda Qatar ay markale xooga saareyso sidii dib loogu dooran lahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.