Xildhibaanka kusoo baxay kursiga wasiir Jamaal oo ballan-qaad sameeyey

Boosaaso (Caasimada Online) – Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashoodu tahay Puntland.

Kuraasta doorashadooda la qabtay waxaa ku jira kursiga tirsigiisu yahay HOP#169 ee uu horey ugu fadhiyey wasiirka qorsheynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan.

Kursigan oo aad isha loogu hayey, isla-markaana ay ka dhalatay dood xoogan ayaa waxaa ku soo baxay Cali Mahdi Maxamed oo aad ugu dhow madaxweynaha Puntland.

Cali Mahdi oo loo qaaday cod gacan taag ah ayaa helay 97 Cod, kadib markii loo xiray kursigan, iyadoo loo diiday tartanka Jamaal oo uu khilaaf kala dhexeeyo maamulka Deni.

Xildhibaanka cusub oo wareysi bixiyey ayaa ka hadlay guushiisa, wuxuuna yiri “Waxaa la mid ah xildhibaanada Soomaaliya laga doortay iyo kuwa maanta la doortay, kuligeena waxaa na saaran oo nalaga rabaa dalka Soomaaliya inaan ugu adeegno afarta sano ee soo socota,”.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday hadal heynta ka dhalatay kursiga HOP#169, wuxuuna ballan qaaday inuu u adeegi doono deegaanka laga soo doorto iyo dadka Soomaaliyeed.

“Kursiga ugu hadal heynta badan ee aan kusoo baxay ma noqon doonaa mid shaqadii looga baahnaa qabta? Waxan rajeynayaa aniga oo kalsooni badan ku qaba Ummadda isoo dooratay inaan shaqo la taaban karo u qaban doono,” ayuu yiri xildhibaan Cali Mahdi.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Kursigan dabcan qof ayaa ku guuleysan lahaa anaana ku guuleystay waajibka i saaran waxaa weeye inaan Ummadda isku uruuriyo, isla-markaana aan dadka u shaqeeyo, waana mas’uuliyadda saaran dhamaan xildhibaanada,”.

Si kastaba, guusha Cali Mahdi ayaa meesha ka saareysa booskii Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo kursigan horey ugu fadhiyey, isla-markaana ka mid ah saaxibada Villa Somalia.