Ruushka oo go’aan cusub uga dhowaaqay Ukraine

Kyiv (Caasimada Online) – Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa labo magaalo oo ku taalla Ukraine uga dhawaaqday xabad joojin ku meel gaar ah iyo inay fureyso marinada gargaarka lagu gaarsiinayo shacabka laga bilaabo 10:00 subaxnimo wakhtiga Moscow.

Mariupol waa deked leh, maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku hareereysnaa ciidamada Ruushka, sidoo kale waxay dagaallo ka dhaceen magaalada Volnovakha.

Mar sii horreysay duqa magaalada Mariupol wuxuu codsaday in shacabka loo ogolaado in halkaa ay isaga baxaan kadib waxa uu ku tilmaamay go’doominta ciidamada Ruushka ee magaalada.

Qaraxyo dhowr ah ayaa sidoo kale laga maqlay magaalada Kharkiv oo ay weli ka socdaan dagaallo iyo duqeymo xoogan.

Dhinaca kale xoghayaha arrimaha Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Ukraine ay dagaalka kaga adkaan doonto Ruushka.

Ma uusan soo hadal qaadin xilligga lais dhihi karo wuu soo afjarmayaa dagaalka balse wuxuu sheegay in aanay soo dhaweynin jab soo gaara Ukraine.

Blinken wuxuu ammaanay ‘adkeysiga aan caadi aheyn’ ay muujiyeen shacabka Ukraine.

Wuxuu sidoo kale in Ruushku uu isku dayo in uu afgembiyo dowladda Ukraine ay shacabka dalkaas si weyn uga soo horjeesan doonaan.

“Haddii ujeeddadu Ruushka ay tahay inuu isku dayo inuu afgembiyo dowladda si uu hirgeliyo dowladda uu isaga wato, 45 malyan oo shacabka Ukraine ah ayaa kasoo horjeesan doonaa” ayuu yiri Blinken.

BBC