Farmaajo oo Uhuru kala hadlay qorshe uu rabo in Kenay ay qeyb ka noqoto

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saddex maalmood ka hor taleefonka kula hadlay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Wada-hadalladan ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga labada dal, xoojinta xiriirka amni iyo mid dhaqaale iyo isbeddelada ka socda Geeska Afrika.

Farmaajo ayaa sida aan xogta ku helnay Kenyatta kala hadlay sidii Kenya ay qeyb uga noqon lahayd dadaallada saddex geesoodka ah ee ay wadaan dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea.

Madaxda saddexdan waddan oo toddobaadkii tegay ku kulmay magaalada Gondar ee dalka Ethiopia ayaa ka shaqeynaya heshiis is-dhexgal dhaqaale looga abuurayo Geeska Afrika, kaasi oo Farmaajo uu doonayo in Kenya iyo Jabuuti ay sidoo kale qeyb ka noqdaan.

Kulankii ugu horreeyey ee saddexda hogaamiye ayaa la qabtay bishii September si loo dejiyo naqshadda heshiiska, oo weli aan faahfaahin laga hayn.

Kenya ayaa qeyb ka ah ururka Bulsahada Bariga Afrika ee EAC, oo ay ku jiraan dalalka Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi iyo South Sudan, waxaana ay wajahaysaa cadaadis ku saabsan inaysan ururkan kale ka miq noqon, kaais oo loo arko inuu halis ku noqon karo midkan cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Jedaah
Caasimada@live.com