Muqdihso (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in soo dhaweynayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aqbalay in dhexda la dhigo arrimaha masiiriga ah ee la isku diidanaa, kadib markii uu kulan la yeeshay qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka.
“War-saxaafadeedkii ka soo baxay Madaxtooyada JFS, kaddib kulankii dhexmaray qaar kamid ah madaxda mucaaradka Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu noqon karaa bilow wanaagsan oo loo qaaday dhanka xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagnaa arrimaha masiiriga ah ee taabanaya dastuurka dalka, siyaasad loo dhan yahay iyo hannaanka doorashada dalka, waxaana soo dhaweynaynaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aqbalay in dhexda la dhigo arrimaha masiiriga ah ee la isku diidanaa,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dastuurka uu saldhig u noqdo xal u helidda arrimaha masiiriga ah.
“Waxaan sidoo kale markale hoosta ka xariiqaynaa kuna baaqaynaa in Dastuurka KMG ah ee ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay sanadkii 2012-kii uu yahay tiirka isku haya dalka, sidaa darteedna wadahadal kasta oo dhacaya waxaa lagama maar-maan ah in Dastuurka uu saldhig u noqdo xal u helidda arrimaha masiiriga ah,” ayuu yiri.
Farmaajo ayaa dhanka kale u soo jeediyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu qaato kaalintiisa dastuuriga ah ee isku haynta iyo midnimada dalka.
“Sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah in Madaxweynuhu qaato mas’uuliyadda ka soo qeybgalka shirka ee Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland uuna si toos ah ugu martiqaado shirka loo balamay saddexda bisha luuliyo oo muhiim u ah in dalku yeesho jiho siyaasadeed oo loo dhan yahay,” ayuu kusoo geba-gebeeyey.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay weheliyaan Guddiga ay dowladda u xilsaartay wadahadallada ayaa 25-kii June kulan wadatashi ah la qaaday Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha Madasha, Madaxweynaha hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Shirkaas ayey dhinacyadu isku raaceen in laga wadahadalo afar ajande oo muhiim u ah dowlad-dhiska Soomaaliya, kuwaas oo kala ah:
1- Adkeynta midnimada dalka
2- Hannaanka dib-u-eegista dastuurka
3- Amniga iyo ciribtirka argagixisada
4- Hannaanka doorashooyin toos ah oo heshiis lagu yahay.
Sidoo kale waxaa la isla qaatay in mas’uuliyiinta wali kamaqan gogosha la baadi goobo. Wadahadal dheer kadib, waxaa la isla gartay madaama uu bilaabanayo isbuucii xoriyadda in uu shirka dib u furmo 3-da bisha Luuliyo 2025 si loo sii ambaqaado wadahadallada.