25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Farmaajo oo xilka ka qaaday agaasimihii warfaafinta Villa Somalia iyo reer Aw-Xasan oo la wareegay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Agaasimihii Warfaafinta Madaxtooyada Shador Xaaji Maxamuud oo ka mid ahaa raggii aadka ugu dhowaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Xilka Agaasimaha ayaa waxaa loo magacaabay Cabdinuur Maxamed Axmed oo Villa Somalia isku sii diyaariyay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.

Cabdinuur Maxamed Axmed, ayaa kasoo jeeda beesha reer Aw-Xasan, wuxuuna aad ugu dhow yahay Fahad Yaasin iyo Faarax Cabdulqaadir.

Agaasimihii hore ee la bedelay ayaa lagu wadaa in lagu biiriyo mid kamid ah Hay’adaha Dowlada oo la filaayo inuu ka noqdo shaqaale, maadaama sharciga shaqaalaha rayidka dowladda uu dhigayo qofka marka xil laga qaado ama Waax laga bedelo loo wareejiyo waax kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aad uga shakisnaa Shaqaalaha sida dhow ula shaqeeyay Xasan Sheekh, waxa uuna shakiga ugu badan ahaa mid dul qotomay Shadoor oo si dhow Saxaafada uga caawin jiray arrimaha Villa Somalia.

Sidoo kale, Villa Somalia ayaa waxaa wali ka socda kala shaandheynta xilalka iyo baalsiibka lagu haayo xubnihii horay ula soo shaqeeyay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, Villa Somalia waxa ay wali dhex maquuraneysaa xaalad kala guur ah iyo xilal kala bedel, iyadoo dhowaan lagu wado in Agaasime Guud oo rasmi ah loo magacaabo Madaxtooyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News