Farmaajo waa Mursi-gii Soomaaliya

Mursi wuxu madaxweyne ka noqday dalka Masar oo ahaa dal ku tiirsan taageerada caalamiga ah illaa heer quutul daruuriga dalkaas laga cuno ay kabi jireen saaxiibada Masar ee xilligii Xusni Mubaarak.

Kadib guushii Mursi wuxuu albaabada ka xirtay dhammaan saaxibadii caalamiga ahaa, wuxu xariga u jaray dawladaha reer galbeedka oo bixin jiray dhammaan kharashaadka ciidamada Masar, wuxuu sidoo kale xiriirka u jaray dowladihii Carabta oo iyaguna kabi jiray cuntada quutul daruuriga ah ee dalkaas soo dhoofsado, maadama wax soo saarkiisu ku filnayn oo dadkiisu aad u badan yahay.

Kadib markii Mursi lumiyay saaxiibadii caalamiga ahaa, dalka Masar waxa soo food saartay mushahar la’aan dhanka ciidamada ah, waxaa hal mar kor u kacay sicirkii khubuska oo aad dalkaas looga cuno, waxaa yaraatay adeegii korontada ee dalkaas, kadib markii gaajadii badatay waxaa faafay ammaan xumadii, waxa askar badan lagu laayay saxaraha Siinaay, sidoo kale waxa baahday heerka badaalada ama shaqa la’aanta dalkaas.

Dhibaatooyinkaas waxay socdeen sanad illaa markii dame dadkii dulqaadan waayeen oo mudaharaado waawayn dalkii oo dhan ka dheceen, ciidankiina ayba inqilaabeen si ay dalka uga badbaadiyaan gaajo raagta iyo burbur. Saaxiib la’aanta Mursi heerka ay gaarsiisnayd waxa ku garanaysaa markii la inqilaabay waxa cambaareeyey hal dowlad oo kaliya, halka ay inta badan dowladaha caalamku aqoonsadeen maamuulki ciidanka, taageeradii dhaqaale-na dib loogu soo celiyay.

Farmaajo wuxu ra’iisal wasaare ka noqday dowladii midnimo qaran oo ay ku midoobeen TFG iyo isbahaysigii asmara, waxay ahayd dowlad aduunku rajo badan ka qabo inay Somalia wax badan ka qabato, beesha caalamku waxay la garab taagnaayeen taageero buuxda oo dhan walba ah, dhamaan kharashaadkeeda-na waxa dabari jiray iyaga.

Farmaajo markuu saddex bilood joogay waxa kulan albaabadu u xiran yihiin Nairobi ku dhex maray Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Faroole, waxay kawada hadleen arrimo badan oo federalism ku ka mid ahaa. Wuxuu Farmaajo u sheegey in aanu federalism aaminsanayn, Puntland na aqoonsanayn ee gobolada Bari, Sool, Nugaal, Sanaag iyo Mudug ay u aqoon sanyahay Gadomiyaha gobolka oo kaliya, gobol kastana gadoomyihiisa uu kala xiriiri doono. Faroole oo arrintaas ad ula yaabay ayaa Farmaajo u sheegey inuu ku jiro riyo aana ku raageyn caqligiisuna 21 sano ka hor soo maraayo.

Farmaajo waxa sidoo kale fal ka baxsan diblumaasiyada kala kulmay xoghayihii Qaramada Midoobay Mahiga kadib markii kulan uu kula lahaa airport-ka uu iman waayay Farmaajo, marku la xiriirayna uu Farmaajo ugu jawaabay “Xafiiskayga iigu imow haddii aad i rabtid hadii kalena waa iska laaban kartaa” hadalkaaso marka diblumaasiyada caalamiga loo eego ah mid aad u xun oo xitaa dowladaha dagaalka qabow ka dhexeeyo isu adeegsan sida dowladaha Mareykanka iyo Ruushka.

Is-faham darradii ugu waynaa waxay dhex martay Farmaajo iyo baarlamankii waqtigiisa, waxaana ay ahayd hay’adii ugu awoodda badnayd ee Farmaajo ka hortimi. Gadomiyihii baarlamanka ee waqtigaas wuxu si buuxda xiriirka ugu jaray ra’iisal wasaraha, wuxuuna sheegey in aanu la shaqayn karin.

Dhamaan ficiladaas iyo talaabooyinkaas aan haboonayn ee Farmaajo qaadey, waxay dhalisay inay shir isugu tagaan isaga iyo dhammaan dhinacyadii kasoo horjeeday sii joogistiisa oo ay ka mid ahaayeen, Beesha caalamka oo Mahiga hogaaminayo, madaxweynihi Puntland Faroole, Guddoomiyihii baarlamanka Shariif Xasan, Amisom oo Musaveni hogaaminayo, waxaana shirkaas loogu sheegey in $2 million la siiyo xilkana iska casilo, haddii uu diidana gadomiyaha Baarlamanka oo meesha fadhiyay ayaa ballan qaaday inuu xilka ka tuuri doono mooshina ka gayn doono golaha shacabka.

Ugu damayn wuxu ku khasbanaaday inuu laba daran mid doorto, kana shallaayo talaabooyinki xamaasadu ku larnayd.

Sidii Mursi si la mid ah, Farmaajo ma ay jirin hal dowlad oo u xiriir fiican la lahaa ama hay’ad taageertey waqtigii adkaa, marka laga reebo xooga dad ah oo lacag loo qaybiyay oo Xamar ka mudaharaaday iyo gobollada Gedo iyo Galguduud oo uu kasoo jeedo, wuxuna noqday gooni socod la gowracay.

Hadda uu madaxweyne noqday-na, hadii aanu wax ka baran taariikhdi soo martay waxna aanu ka badalin seef laboodnimadii iyo xamaasaddii uu ku shaqeyn jiray, wuxuu mari doonaa halkii uu Mursi maray.

W/Q: Abdullahi Nur Eid
Kala xiriir: seaman700@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid