Sawirro: Cabsidii ay Masar ka qabtay Ethiopia oo xaqiiq u dhow iyo xeeladdii lagu gaaday

Qaahira (Caasimada Online) – Ayada oo biyo-xireenka Grand Renaissance Dam ee Ethiopia uu ku dhow yahay geba-gebo, ayaa cabsida Masar ay ka qabto in biyo-xireenkaas uu saameeyo saamiga ay ku leedahay biyaha webiga Nile ay sii kordheysaaa.

Ayada oo lagu wado inuu soo geba-geboobo bisha July ee sanadkan, ayaa Itoobiyoonka waxa ay biyo-xireenkan u arkaan mashruuc qaran oo macnihiisu yahay guul laga gaaray saboolnimada.

Saamiga Masar ee biyaha Nile oo ah biyo ku jira 55 bilyan oo mitir isku wareeg ah, ayaa waxaa laga helaa biyaha ay cabaan dadka reer Masar, waxaana laga soo saaraa bar ka mid ah korontada dalkaas, ayada oo loo adeegsanayo biyo-xireenka Aswan.

Biyo-xireenka oo dhisme uu ku socdo

Sanaddii 2015, ayaa Masar, Sudan iyo Ethiopia waxa ay Khartoum ku saxiixdeen heshiis ay ku ballan-qaadeen inay qaadaan tallaab kasta oo looga fogaanayo wax dhaawac gaarsiin kara dal ka mid ah saddexda dal, haddii ay dhacdana laga bixiyo magdhow.

Inkasta oo Ethiopia ay Masar u xaqiijisay in saamiga ay ku leedahay biyaha Nile aysan wax saameyn ah ku iman doonin, ayaa Masaarida waxa ay ka walaacsan yihiin in biyo-xireenka uu saameyn doono wax soo saarka beeraha dalkooda.

Bishii tagtay ayaa madaxweynaha Masar Abdel-Fattah al-Sisi iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn waxa ay ku kulmeen magaalada Addis-Ababa, intii uu socday shirkii Midowga Afrika.

Si kastaba, Masaarida iyo dadaalladooda diblomaasiyeed ee arrintan ku wajahan ayaa yimid xilli dambe, oo aan waxba laga qabin karin, sida uu sheegay Saeed Sadek oo ah bare jaamacadeed oo dhiga cilmiga siyaasadda

Biyo-xireenka oo dhisme uu ku socdo

“Masar hadda uma furna wax aan ahayn inay sugto inta laga dhammeeyo biyo-xireenka kadibna uu ka howl-galo, markaasna ay aragto saameynta uu ku yeesho” ayuu yiri.

Inkasta oo marar badan la isku dayey in biyo-xireenkan la dhiso intii uu Masar madaxweynaha ka ahaa Xosni Mubarak, Ethiopia ayaa ka faa’iideysatay xasaradihii siyaasadeed ee ka dhacay dalka Masar, markii xukunka laga tuuray Mubarak.

Sadek ayaa ka cabsi qaba in illaa iyo hadda aysan muuqan xiriir dhex mara Masar iyo Ethiopia oo damaanad qaadi kara biyaha dalka Masar ee webiga Nile.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com