Farmaajo wuxuu qoladii ku yiri: “War R/W Kheyre ayaa idinka qumane idhaafa”

Hordhac/Gogol-Dhig

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, akhristoow koox daneeystayaal ah/qoowleeysata ah, oo siyaasiyiin iyo ganacsataba isugu jirta, ayaa qandaraasyo dowlada bixin rabto, waxeey qaab beeleed/qabiil isu leheeysiiyeen qandaraasyadaa. Waxeey iska dhaadhacsiiyeen ineey iyaga oo kaliya, xaq buuxa uleeyihiin, ugana xaq badan yihiin Soomaalida kaloo dhan, maadaama madaxweynaha qaranka: Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ku reer/qabiil “M.” yihiin.Yaab!

Waxeey qorshahoodaa guracani ula tageen raysalwasaaraha qaranka: Mudane Xasan Cali Kheeyre. Nasiibwanag! Run iyo sida wanaaga uu ugu jiro dalka iyo dadkaba ayuu usheegay. Wuxuuna kuyiri: Maadaama aniga iyo madaxweyne Farmaajaba naga wada go’an tahay, inaan dowlad-wanaag (Good governance), hufnaan (transparent) iyo musuq-maasuq la’aan, waxaan qandaraasyada kubixineeynaa, qaab idinkan waxdoonayaba aad ka maqsuudidoontaan, oo waxaan qandaraasyada dowlada bixineeyso, kawada dhigeeynaa kuwo loogu wada tartamo (Tender offer), si daah-furnaan ah. Meeshii shaqsi gaar ah iska bixin lahaana, waxaan dhex geeyn doonnaa golaha wasiirada, oo go’aanka wada gaaridoona. Waana sida ugu wanaagsan, ee musuqmaasuqa loola diririkaro. Sidaa daraadeed walaalayaaloow wanaaga inala qaata, sidaa ayaana uwada dan ah guud ahaan dalka iy dadkaba.

Kooxdii qoowleeysatada/danleeyda aheyd, ee isagu jirtey siyaasiyiinta, iyo ganacsata ayaa arintaa kabiyo-diiday. Waxeey soo istaageen: Maya. Waa niman aan “Taariikh hore” xasuusneeyne, waxeey ku doodeen in “Maanta eey maalintoodii tahay!”, maadaama madaxweynaha eey ku juffo/reer yihiin, sidaa daraadeedna eey tahay, in iyaga si gaar ah badiilka loogu daro, hadii aan sidaa layeelinna, eey cawaaqib xumo kadhalandoonto, oo eey weerar dhinackasta ah, ku qaadidoonaan raysalwasaaraha qaranka mudane Xasan Cali Kheeyre.

Kooxdii qoowleeysatada aheyd, waxeey iyagoo caro laqarxaya isugu tageen, xafiiska madaxweeynaha qaranka: Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Waxeey hordhigeen doodoodii. Waxeey usheegeen ineey sidaa wax urabaan. Madaxweynaha qaranka wuxuu weeydiiyey, muxuu idinku yiri raysalwasaaraha dalka?  Waxeeyna usheegeen wuxu ku yiri. Madaxweyne Farmaajo wuxuu si saraaxo ah ugu yiri: “War Kheeyraa idinka qumane idhaafaa!”. Kooxdii danleeyda aheyd, waxeey iyagoo caro la faruuryo-qaniinaya isagasoo huleeleen xafiiskii madaxweynaha. Waxeeyna wacad ku mareen, ineey dagaal dacaayadeed oo toos ah, kuqaadi doonaan raysalwasaaraha dalka, halka mid dadbanna ku Sharaf-dilidoonaan madaxweynaha.

Nasiibraddo! Iyagoo adeegsanaya dhalinyaro magac beel lagu kiciyey ayey dacaayadihii rakhiista ahaa usoodhiibeen, kuwaa oo iyana siifaafiyey, bal hadii lagu guuleeysankaro in lakala dilo, ama ugu yaraan shaki lakala galiyo madaxweynaha iyo raysalwasaaraha. Hadafka dhow (Short term goal) ee dacaayadahaa wuxuu ahaa, bal in raysalwasaaraha laga dhigayo, nin awoodii iyo hanaankii hogaamineed oo dhan madaxweynaha kala wareegay, khayaanay, madaxweynenimo isu sharixiraba (Tani ma dambibaa!)… iwm, waa weerarkii tooska ahaa’e. Halka madaxweynahana ku bahdilayeen inuu yahay, nin aan waxba kala ogeyn, laga caqli, iyo kartiba badan yahay, oo waxkasta la isaga sameynkaro, lagalana wareegikaro. Waa weerarkii dadbanaa’e. Waa koox laqabsatay madaxweyne aan raysalwasaaraha hoowshiisa dastuuriga ah udeeyne kuqabsada. Hadafka tanina ay ka lahaayeen wuxuu ahaa, bal ineey gilgilaan raysalwasaaraha, kadibna markeey jiljishaan uu si hoose isaga afgarto, hadii ay usuurtagaleeysana madaxweeynaha qarankana dib ugu celiyaan xero iyo xeendaab juffo, kadibna sidaa uga caana-maalaan.

Waxaase jirtay koox kaloo mucaaradka doowlada ka mid ah, oo iyagana dagaalka dacaayadeed dhankale kasoo galay, iyagoo iska dhigaya ineey raysalwasaaraha lasafan yihiin, kadifaacayaana dacaayadahaa rakhiista ah, balse hadafkooda ugu weyni wuxuu ahaa, ineey qaab qabyaaladeeysan dacaayadahaa usii buunbuuniyaan, si hogaankan iskhilaafi waayay mudada labada sano ah, mar uun loo kala jabiyo, la isuguna diro, taasoo kukeeni karta fadeexooyinkii ay dhex maquuran jireen hogaankii qaran ee shalay iyo doraadba. Waxaa sidoo kale hadafku ahaa, in beri la dhoho madaxweyne Farmaajo kuwii hore waxba kama duwana, oo haduu shalay lahaa raysalwasaare aniga iga fiicanoo aan wada shaqeynkarno ayaan keenayaa, waakan sidii madaxdii horeba, ay isku dheceen raysalwasaarihiisii. Waakan sidii kuwii horana intuu xilka hayey magacaabay sadex raysalwasaare. Waa isagan sidii kuwii horeba, dhaqaale kubixiyey ridista dhowr raysalwasaaruu isaga magacaabay, dowladiisana kadhamaan weeysey iskhilaaf, iyo is-heeysasho, waqti bandanna uga dhumay. Nasiibwanaag! Kooxdan dambe wali hadafkaa kuma aaneey guuleeysan.

Gabagabo iyo Gunaanad

Sideedaba hannaanka dowladeed waa qori-isu-dhiib. Madaxba madaxda kadambeeysa ayey qoriga usii dhiibtaa, sidaa ayaana umadi horumar kugaartaa. Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba waa dowlad-kunool. Waxaa danta ugu wada jirtaa ineey helaan, madax wadashaqeeysa, khilaaf kafogaata, haduu yimaadana sihoose xal uga gaarta, isfahanta, isku ixtiraamta awoodaha dastuurku ukala qeeybiyey, sidaana waqtiga eey heystaan dalka iyo dadka ugu wada adeega, taariikh wanaagsanna kataga (Legacy), ummadana wax wanaagsan uga taga.. Waa muhiim in ummadu noqoto ummad waxa udan ah taqaana, waxa danta u ah ookaliyana taageerta. Mahadsanidiin.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).
Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed.
abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid