Faroole: “Dadka rabay in aan meesha ka baxo ha ogaadaan mid iga daran in uu u yimid maamulka PUNTLAND”

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynihii horre ee maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo maanta khudbad ka jeedinayay munaasabad uu xilka ku wareejinayay madaxweynaha cusub, Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa ka hadlay arrimo badan.

Nuxurka khidbadda Faroole.

Faroole ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee xilka maanta la wareegay, wuxuuna sheegay in wax badan ka qaban doono wax yaabihii uu so qabtay shantii sanno ee uu xafiiska joogay.

Wuxuu tilmaamay in uu wax badan oo xagga horrumarka ah ay qabatay dowladiisa, kuwa kalena ay u dhinaayeen,laakin waxaa qaban doona madaxweynaha cusub” ayuu yiri.

Faroole ay xusay in uu wax ka qabtay arrimaha ammaanka, burcad-badeeda iyo in uu dhisay xarumo muhiim ah oo ay ka mid tahay madaxtooyada Puntladn iyo xabsiyo loogu talagalay burcad-badeeda.

Wuxuu caddeeyay in hal qof oo burcad-badeed ah uusan xilligan joogin deegannada Puntland isla markaana wax markab ah lagu heesan “Gobalo kale ayaa nagala wareegay arrintaas oo burcad-badeeda ay saldhig ka dhigreen” ayuu yiri.

Faroole ayaa u mahad celiyay taageerayaashiisa doonaya in uu xafiiska ku soo laabto markale, isagoona intaas ku daray in uu ku qanacsan yahay halka cod ee looga adkaaday.

Anniga iyo Cabdiweli isku mid ayaa nahay.

Faroole ayaa sheegay in uu ogyahay dad badan oo diiddanaa isaga in uu soo laabto, balse wuxuu carabka ku adkeyayin ciddii ku faraxsanayd in meesha la iga saaro ha ogaadaan in uu yimid mid anniga iga daran, oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrimaha Puntland” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkaas ula jeeday oo uu ku duray dadka kasoo horjeeda Puntland, oo sida Faroole u sarbeebay ay bixitaankiisa u arkeen mid fashilin donta Puntland.

Wuxuu madaxweynaha cusub uu kala dardaarmay in uu ka shaqeeyo siddii uu dhaqan gali lahaa nidaamka fedaraalka maadama Puntland ay hooyo u tahay ayuu yiri soo celinta Soomaaliweyn.

“Waa in aad ka shaqeesaa siddii uu dhaqan gali lahaa nidaamka fedaraalka iyo in la dhameeto dastuurka dalka maadama Puntland arrimahaas ay hooyo u tahay” ayuu yiri.

Dhinaca kale, madaxweynaha cusub markii uu xilka la wareegay wuxuu durba badalay agaasimihii madaxtooyada, isagoona u magacaabay shakhsi cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com