Goobaha ganacsiga & waxbarashada Guriceel oo loo xiray arrin muhiim ah

Guriceel (Caasimada Online) Magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa maanta waxaa lagu qabtay munaasabad lagu weynaynayo xuska dhalashada Nabigeenna Muxammed (NNKH).

Dhammaan waxaa la xiray goobaha ganacsiga, iyo wax barashada magaalada, waxaana dadka ay isugu soo baxeen wadooyinka iyagoo ka qaybgalaya xuska oo uu soo qaban qaabiyay culimaa’uddiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo maamulka Guriceel.

Guddoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Nuur Taardhuleed oo ka ha hadlay munaasabada ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la weyneeyo dhalashada Nebiga (NNKH).

Culimaa’uddiin ay ka mid ahaayeen Sheekh Maxamed Jaamac  Yare iyo Sheekh Maxamed Cali Xasan ayaa la hadlay dadweynaha ka qeyb galay xuska, waxayna ka sheekeeyeen taariikhdii Nebiga iyo dedaalkii uu u galay fidinta diinta Islaamka.

Inta ay socotay xafladda waxaa la adkeeyay ammaanka magaalada Guriceel waxaana la joojiyay gaadidka magaalada sidda ay lee yihiin wariyaasha ku sugan magaaladaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com