Dhageyso: Mooshinkii fashilmay oo ay kusoo korartay arrin cusub oo hor leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta laalay oo sharci darro ku tilmaamay motion dalbayay in wasiiraddii xukuumaddii Saacid laga reebo golaha wasiiradda ee cusub.

Xubnaha baarlamaanka ayaa 113 mudane waxay u codeeyeen oo ay oggolaadeen mooshin ajandaha ka saarayey mooshinka koowaad ee la doonayye in lagu horistaago dib usoo magacabaista wasiirrada xukuumadii Ra’iisul Wasaare Cabdi Faraax Shirdoon Sacaid. 99 xildhibaan ayaa diiday mooshinka labaad.

Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye
Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye

Si kastaba Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo kamid ah Mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ee waday mooshinkii looga soo horjeeday soo noqoshada xubnihii golaha wasiirada Xukuumadii hore ayaa sheegay inuu go’aankoodii ku aadanaa inay Mooshinka ka keenaan uu wali meeshiisii taaganyahay

Shuuriye oo waraysi siiyay VOA, ayaa yiri “Mooshinkii maanta ma jabin ee kaliya Ajandaha ayaa laga saaray walina waa taaganyahay waana ku faraxsanahay sida dimuqaraadiyada leh ee codku u dhacay waana u hogaansanahay Dastuurka iyo xeer hoosaadka baarlamanka”.

Halkan ka dhageyso

shuuriye

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com