2 Xildhibaan oo xog ka bixiyey sirta ka dambeysa wixii maanta ka dhacay BF

Muqdisho (Caasimada Online) Labo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay sababaha keenay in laalo mooshin laga keenay xukuumadii horre ee uu hoggaaminayay Cabduqaadir Faarax Shirdoon.

Cali Khaliif Galeyr iyo Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) ayaa VOA uga warramay wixii maanta ka dhacay xarunta baarlamaanka ee Muqdisho.

Ugu horreyn xildhibaan Cali Khaliif Galeyr ayaa tilmaamay in ayaan daro ay tahay mooshin laga keenay wasiiro horrey u dhahay waa ay fashilantay xukuumadii ay ka tirsanaayeen haddana in laga daba keeno mooshin kale.

Wuxuu xusay in arrintaas ayba ogaayeen maalmahan madaxtooyada ay wadeen olole ay ku doonayeen in lagu laalo mooshinka baarlamaanka yaalla, si loo soo celiyo qaar ka mid wasiiradii horre, “Laakiin looba joogo marka la keeno baarlamaanka iyagoo wasiiro” ayuu yiri.

Ugu dambeyn ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galeyr ayaa ku celceliyay in uusan dooneynin in wax ka sheego ra’iisal wasaaraha cusub maadama uu ku soo dhacay wax horrey u soo socday.

Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) ayaa ka soo horjeestay hadalka Cali Khaliif Galeyr, wuxuuna ku tilmaamay mooshinka in markii horre uu ahaa mid qalad ah.

Wuxuu tilmaamay in xaq aysan ahayn 35-wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasimayaal in aan la oran karin dhammaantood waa ay fashilmeen oo waxbo ma qaban, “Xaq ayey u lee yihiin in qof kasta oo dalka wax u qaban kara in uu soo laabto” ayuu yiri Xildhibaan Dhuxulow.

Wuxuu ku celceliyay in cid kasta oo wax qaban karta ay xaq u lee yihiin in lagu soo daro xukuumada oo cod la siin karo ayuu markale yiri.

Si kastaba, hadallada labadan xildhibaan ee kala aragtida duwan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta 113 xildhibaan ay u codeeyeen in ajandaha laga saaro mooshinka, halka 99 xildhibaan ay u codeeyeen in mooshinka la meelmariyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com