Maxaa kasoo baxay moooshinkii BF la horgeeyey ee wasiirada R/W Saacid?

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow soo gabagaboobay kulan ay maanta oo Talaado xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya isugu yimideen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, kaasoo la keenay labo mooshin oo iska soo horjeeda.

Moshinka horrey wuxuu ahaa in wasiiradii horre ee xukuumadii Ra’iisal wasaare Saacid in la soo celiyo iyo in kale.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa xubno ka tirsan Xildhibaannada waxa ay sheegeen in uusan Sharci eheyn Mooshinkaan sidaas darteed loo baahan yahay in meesha laga saaro hadii kale cod loo qaado in uu sharci yahay iyo in kale.

Jawaari ayaa tilmaamay in Mooshinkaan in markii horraba uu ahaa mid si sharci darro looga doodday labo maalin ka hor, siddaa darteed maanta loo baahan yahay in Xildhibaannada ay cod u qaadaan in Mooshinkaan Baarlamaanka la horkeeni karo iyo kale.

Markaas ka dib ayaa cod loo qaaday waxaana ka soo horjeesatay in Baarlamaanka la horkeeno 113-Xildhibaan halka Xilshibaano ku dhaw 90 ay codsadeen in la horkeeno baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Max’ed Sheekh Cusman Jawaari ayaa sheegay in Mooshinkaas uu guul dareestay sidaasna uu ansax ku noqon waayay isla markaana ay wasiirada soo socda ka mid noqon karaan wasiiradii la soo shaqeeyay RW Saacid.

Ma cadda in maanta la dhaho xildhibaannada keenay mooshinkan waa ay yer yihiin isla markaana sharci ahaan uusan anasax ahayn marka loo eego dastuurka dalka u yaalla.

Caasimada Online, ayaa saaka hore ku xog warrantay in madaxtooyada Somalia ay lacag iyo ballanqaadyo ku kala furtay xildhibaanada mooshinka waday.

Caasimada Online

Xafiiks Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com