Dhageyso: Faroole oo arrin yaab leh ku sheegay sababtii uu muqdisho uga soo tagay una imaaday Garoowe!

Garoowe (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Puntland haddana ah Xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud Faroole oo maanta dib ugu laabtay Garoowe ayaa madaxda madasha usoo jeediyey baaq loo riyaaqay.

Xildhibaankaan ayaa Madaxda Madasha ugu baaqay in aysan ku mashquulin Madaxweynaha cusub ee la doortay, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) islar markaasna  soo jeediyey in waqti fiican la siiyo madaxweynaha si uu usoo doorto shaqsi ku haboon Xilka Ra’isulwasaaraha.

Faroole   ayaa ku sheegay  sababta uu uga soo tagey Muqdisho inay tahay dad badan oo ku dhibay inuu Madaxweynaha ula tago si loogu magacaabo xilka Ra’isulwasaare  isagoo ballan qaaday inuu sii joogi doono Garoowe inta uu Farmaajo ka magacaabayo Ra’isulwasaaraha.

Mar uu saxaafadda la hadlayey Faroole ayaa shacabka ugu baaqay inay Madaxweynahooda cusub taageero fiican siiyaan maadama ay dowladda Soomaaliya tahay mid aan heysan lacag fiican.

Faroole ayaa sheegay inaysan dowladda ku filneyn dhaqaalaha ka soo xarooda Dekeda Muqdisho, sidaasi daraadeedna aan loo baahnayn in Madaxweynaha lagu fara geliyo cidda uu soo magacaabi doono, lana rabo in la iimaansado cidda uu soo xusho.

“ waxaan ugu baaqayaa maamul Goboleedyada inay dadkooda abaart aheyso u gurmadaan intii ay ku mashquuli lahaayeen cidda uu Farmaajo soo magacaabayo iyo shaqadiisa madaxweynimo” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Faroole.

Caasimadda Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com