Muqdisho (Caasimada Online) – C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka Madaxweyne oo soo gaaray Muqdisho shalay ayaa lama filaan ku noqotay soo dhoweyntii uu filayay mid aan aheyn oo uu la kulmay.
Faroole oo Aqalka sare ka tirsan ayaa loo agaasimay soo dhoweyn heer sare ah, hase ahaatee laga wada siibtay cid mas’uul ah oo garoonka ugu hortagtayna uu waayay, waxaase kusoo dhoweeyay xubno beel ahaan ay kasoo wada jeedaan Puntland.
Warar kale oo la helayo ayaa sheegaya in C/raxmaan Faroole inuu dalbaday in balan looga sameeyo xildhibaanada beelaha Hawiye, Digil iyo Mirifle iyo xildhibaanada gobolada Waqooyi kasoo galay labada aqal, hase ahaatee uu ku hungoobay balantaasi.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in xildhibaanada badankood ay diideen inay wax ka dhageystaan murashax Faroole, kuwaasi oo u arka hoggaamiye qabili ah oo la arkay xiligii uu Madaxweynaha Puntland ahaa hab dhaqankiisa, sidaasi darteedna aysan dooneyn inay la kulmaan.
Xildhibaan ka tirsan aqalka hoose ee Cadaado laga soo doortay ayaa sheegay in siyaasiyiin beesha Hawiye u dhashay ay u adeegayaan murashax Faroole, kuwaasi oo uu ku tilmaamay kuwo ku taageeraya fikradihiisa qabaliga.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com