Taariikh aan tirmeyn: Cuqubadii Alle iyo gowricii culumada Soomaaliyeed

Shacabka Soomaaliyeed wuxuu maanta la gebi-dhacleynayaa fool-xumo iyo fasahaad saameeyey qaab-dhismeedkii bulsho iyo qaab-jiritaankii siyaasadeed iyo xitaa kii dhaqan-dhaqaale ee waddankooda. Illaa iyo haddeer, waxaa la garan la’ yahay aafada dadka Soomaalida wada saameysay meel walba oo ay adduunka joogaan halka uu salkeedu ka soo billowday. Dadkii iyo dalkiiba wey wareereen, waxaana ku dhacay jahawareer iyo jeegaar la mid ah tiihii reer Banii Israa’iil. Soomaaliya waxay caalamka ka noqotay waddanka ugu foosha xun ee ku fashilmay nidaamka dowladnimo iyo dadnimada bini’aadamnimo. Ma jirto wax qiime ah oo uu qofka Soomaaligu ku leeyahay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa. Warkii oo kooban, Soomaalidu waxay noqotay ummad dhan oo aan iyaguna sharaf iyo ixtiraam isu haynin, cid u haysaana aysan jirin caalamka.

Haddaba, waa in dib loo qiimeeyaa maxaa sal u ah musiibada na haysata? Aafada u weyn ee Soomaali wada saameysay waxay ku dhacday bishii January sannadkii 1975-kii, kaddib markii keligii taliye Maxamed Siyaad Barre, oo aad mooddo inuusan markaas caadi ahayn, uu garoonka Stadium Koonis la soo istaagay in Qur’aanka Kariimka uusan kaamil ahayn, isagoo nasaqay aayadihii Alle uu ku soo dejiyey Nebi Muxammad (CSW), isla markaana si jeesjees ah suuratu Nisaa ugu daray safxad cusub oo ay u dambeyso ‘wal jinni’. Maxamed Siyaad Barre oo aanu jirin sharci qabanaya (marba hadduu laalay distoorkii dalka) ayaa ku dhawaaqay in ragga iyo dumarku ay siman yihiin dhinaca dhaxalka, taasoo ah arrin ka soo horjeeda qowlkii Ilaaheey soo dejiyey iyo distoorkii Soomaaliya loo dejiyey kow iyo lixdankii.

Intuu khudbeynayey, Maxamed Siyaad Barre wuxuu carrabkiisa ka ilaaliyey inuu toos u soo daliishado Qur’aanka iyo inuu magaciisa xuso Nebi Muxammad (CWS). Khudbaddiisa oo dhan wuxuu ka dhammeystay duurxul iyo digasho. Wuxuu is weydiiyey sababta keentay in Qur’aanka aan hal mar la soo dejin ee maalinba qeyb la soo dejinayey, isaga oo taas sabab uga dhigay inay wax ka dhiman yihiin. Wuxuu tusaale ka dhigtay oo uu aad ugu dheeraaday inuu ka warramo dib u dhicii yiillay Jasiiratul Carab iyo dhaqankii haraadiga ahaa ee bulshada Carbeed. Biya-dhaca hadalkiisa wuxuu ahaa in Qur’aanka iyo dhaqanka Carbeed ay is waafaqayaan.

Midda ugu daran waxay ahayd markii uu Maxamed Siyaad Barre si indha-adayg leh uga been sheegay Qur’aanka Kariimka ah, isaga oo ku dooday in Qur’aanku uu nasaqan yahay 50% (boqolkiiba konton). Hadiiqiisa oo aad moodeyso inuu xiiqsan yahay, wuxuu u muuqday inuu xoojinayo in Qur’aanku uu yahay qalad loo baahan yahay in la saxo oo la hagaajiyo, waxna lagu daro. Isaga oo si dedban u isticmaalaya aaraa’dii diinta ka fogeyd ee ay la yimaaddeen Engels, Lenin iyo Marx, wuxuu ku celceliyey in ‘kuwa weli dambeeya ee maskaxdu ka halleysan tahay inay na soo racaan’. Kuwa uu leeyahay waa dambeeyaan waxay ahaayeen culumadii Soomaaliyeed – oo ah kuwii u taagnaa weligood ilaalinta diinta – oo ku adkeystay in Ilaaheey aan loo shirik yeeli karin, ummad Muslim ahna aysan ku gefi karin Rasuulkoodii Muxammad (CSW).

Maxamed Siyaad Barre oo muujinaya inuu ogyahay inay shacabka Soomaaliyeed ka dhiidhin donaan diin ka bixiisa ayaa cod dheer ku yiri ‘waa gar inaad ila yaabtaan, waa gar, maxaa wacay, waa laydinku shubay, waa leydinku shubay, waa leydinku shubay, waa leydinku shubay, weligiinna laydin kama shubin, anna haddaan idinku shubayaa, wallaahi anaa idiin fiican, iyo billaahi, haa, kitaabkaadan aqoon, wallaahi nasteexo anaa idiin ah, waxay idinku shubeen waa beentood, qaraabo idinlama ahayn, dhashiina dan kama lahayn, waddankiina dan kama lahayn, sharafkiina dan kama lahayn, ummadnimadiina dan kama lahayn, iyagu muraad kama lahayn, iyagu dantoodey wataan’. Su’aashu waxay tahay, waa ayo kuwaas dantooda wata? Wuxuu maldahayaa Rasuulka (CSW) iyo saxaabadii rumeysay risaaladii uu la yimid.

Isaga oo aan ka leexleexan, Maxamed Siyaad Barre wuxuu toos u aflagaadeeyey saxaabadii Rasuulka (CSW), wuxuuna carrabka ku adkeeyey in aan loo cadibnaanaynin rag uu ka mid yahay Guuleed bin Cubeyd oo uu yiri diinta waxay ku ilaashanayeen xoolahooda. Waxaa yaab leh in aan siirada Rasuulka (CSW) uusan ku jirin nin la yiraahdo Guuleed. Sida la wada ogyahay, Guuleed waa magac Soomaali ah. Maxamed Siyaad Barre wuxuu jeebkiisa kala soo baxay saxaabi uu isagu sameystay oo la yiraahdo Guuleed bin Cubeyd.

Isaga oo mar kale si dedban u soo xiganaya afkaartii diinta ka fogey dee Engels, Lenin iyo Marx, wuxuu Maxamed Siyaad Barre carrabka ku adkeeyey in uusan yeeleynin in wixii fekrad ah ama farsamo ah ee wax lagu qabsanayo aan looga tagaynin ilaalinta diinta. Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday: ‘Jaalle ma yeelayno annaga, dad gaajeysan, toban maalmood qaday, muxuu diin ka yaqaannaa, haddey naag tahay dabada ayay roganaysaa, maxaa wacay noloshu waa xaq inay noolaato’ (Tixraac: Kaydka Radio Mogadishu).

Culumadii ka dhiidhisay gefkaas fircoonnimada ah, waxay noqdeen wax la xasuuqo, wax la xiro iyo wax dalka ka carara. Waxaa fagaaraha Dugsiga Booliska (Scuola Polizia) lagu toogtay toban wadaad oo ka mid ahaa culumadii khudbadaha la istaagay masaajiddada ee naqdiyey hadaaqa uu ku hadlay keligii-taliyaha. Cabsi aawadeed, ummaddii Soomaaliyeed waxay isku soo xireen guryahooda. Sida aan ka barannay diinta Islaamka, dulmigu wuxuu ka mid yahay dunuubta soo dedejisa carada Ilaaheey. Meesha dulmi diini ah ka dhaco, waxaa ka dhaca halaag. Waxaa ku bata dhaca. Waxaa ku bata boobka iyo bililiqada. Waxaa ku bata is-dilka iyo is-xasadka. Waxaa ku bata burburka iyo baahida. Waxaan nahay ummad Muslim ah; Rasuulkeennii wuxuu nagula dardaarmay haddii aan dulmi aragno inaan gacmaheenna ku suulinno, haddii aanan awoodin inaan afkeenna ku suulinno, haddii aanan awoodin inaan uurka ka nacno.

Shacabka Soomaaliyeed, wuu awooday inuu subaxaas ku dhaqaaqo madaxtooyada oo ay soo qabtaan Maxamed Siyaad Barre iyo kuwii sidaas kula taliyey. Balse markii ay shacabkii shib ka yiraahdeen dunuubta diimeed ee lagu galay magacooda ee loogu gefay Qur’aanka Kariimka ah ayaa ALLIHII weynaa wuxuu amray malaa’igtiisii inay hubiyaan sidii lagu hallaagi lahaa Soomaalidu meel ay joogto. Waxaa natiijadii ay maanta noqotay in sharafta laga qaado Soomaalidii, laguna dulleeyo meel walba, la cabiidiyo, la ciqaabo, dalkoodiina uu noqdo waddanka keliya caalamka ee qof ka soo jeeda aad ka helayso from Siberia to Sierra Leone, from Botswana to Bulgaria, all over the world. Weli ma ka towbad keennay caradii uu keligii taliyihii xukunka marooqsaday uu magaceenna kaga careysiiyey ALLIHII weynaa ee na abuuray? MAYA, balse bilkcaksi weli halaaggii iyo hooggii ayaa malab iyo macaan noo ah ee Allow na mooti anya Aay Iisho.

Qaar baa oran doona ‘haddeerba culumada waa la laayaa’. Haddeer yaa garanaaya wax laaya? Waxaa la laaya wax magacyo badan oo aan la garanayn meel loo raaco, waxaana lagu dhex laayaa fowdada dalka jirta. Annagu waxaan ka hadleynaa marka la isku laayo, laguna dambaabo magacii qarankii Soomaaliyeed ee ummadda ka wada dhexeeyey. Waa markaas marka qof kasta oo Soomaali ah ay saameynayso carada Alle. Qaran uu qof kasta wax ku leeyahay marka magaciisii loogu gefo ALLIHII weynaa dhaxalkiisu waa burbur iyo baa ba’. War iyo dhammaantiis (warku wuxuu galaa wixii damiir iyo diin leh ee war garta), bal halkaan hoose ee YouTube-ka ah ka daawada khudbaddii fircooniga ahayd ee loo bixiyey ‘yowmul qiyaame’ ee uu jeediyey Maxamed Siyaad Barre.

W/Q: Mohamed Haji Ingiriis

Mohamed Haji Ingiriis wuxuu shahaadada PhD ee taariikhda iyo daraasaadka Afrika ka diyaariyaa Jaamacadda Oxford, isagoo ku taqasusaya mawduuca dowladnimada iyo qaran burburay dib u dhiskiisa. Wuxuu kaloo cilmi-baare ka yahay Jaamacadda King’s College London. Waxaa lagala xiriiri karaa: ingiriis@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com