Xog: Isbaheysiga xildhibaanada waqooyi oo wada-hadal kula jira 3 musharax

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Isbaheysiga Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee qeybta ka ah Baarlamaanka Somalia.

Isbaheysigaani oo ay ku jiraan Xildhibaano dhowrkii sano ka mid ahaa Baarlamaanka, ayaa waxaa hogaamineysa Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam, iyadoo aasaaska Isbaheysiga uu leeyahay Hogaamiyaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo.

Isbaheysigaani ayaa waxa uu ujeedkiisu yahay in xildhibaanada waqooyi ay awoodooda mideeyaan si ay saameyn muuqata ugu yeeshaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in is-baheysigan ay musharaxiin gaar ah wada-hadallo kula jiraan, waxaana ka mid ah Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Cumar C/rashiid, inkastoo aan la ogeyn cida ay daacada u yihiin.

Xildhibaanada oo ah kuwo uu codkooda isku xiran yahay ayaa doonaaya in hal garab ay ku taageeran codkooda si ay usoo saaraan musharaxiin si gaar ah u fulinaya dantooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com