26.1 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Faroole oo heshiiskii Garoowe ku qeexay mid…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online)- Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweyne ee dalka Soomaaliya doorashada dhaceysa dhamaadka sanadkan.

Faroole, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe  ayaa sheegay inuu doonayo in dalka Soomaaliya uu ka saaro nidaamka 4.5 ee lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay in marnaba uusan la wanaagsaneyn hishiiskii xalay ay kala saxiixdeen dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, kaasi oo Puntland ku aqbashay nidaamka 4.5.

Faroole, ayaa cadeeyay inuu isagu ka taagan yahay nidaamkaasi go’aankii uu horay uga qaatay, wuxuu sheegay in 2012 gaar ahaan Garowe 2 heshiis laga gaaray 4.5 inaysan soo noqon, wuxuuna sheegay sidaasi darteedna uu maanta laga bilaabo yahay murashax madaxwaynaha 2016.

Dowladda Xasan Shiikh Maxamuud ayuu sheegay inaysan waddanka waxba ka qaban kuna fashilantey nidaamkii Federaalka ee lagu aaminey waa sida uu Faroole sheegay, wuxuu sheegay madaxwaynaha Soomaaliya inuu dadaal ugu jiro sidii uu dib ugu soo laaban lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News