25.3 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

Daawo sawirro muujinaya jahwareerka R/W CCC ka qabsaday heshiiskii ka dhacay GAROOWE.!!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Inkastoo madasha lagu kala saxiixday Heshiiska DFS iyo Puntland ay goobjoog ka ahaayen Mas’uuliyiin ka kala socday jihooyin kala duwan ayaa waxaa hadana soo baxeysa in Ra’isul wasaare Cumar halkaasi ay ku heysatay cidlo.

Puntland ayaa garab ka heysatay wakiilada Beesha Caalamka ka joogay Garoowe, waxaana dhanka Dowlada Heshiiskaasi uga dhexmuuqday Ra’isul wasaaraha, halka Puntland ay garab ordayeen dhammaan wakiilada maadaama ay u jilicsan tahay Siyaasada Dowladaha kale.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa waxaa ku shamuumay dhammaan Xubnihii Beesha Caalamka ka joogay Garoowe, kuwaasi oo galiyay jahwareer shaki galiyay qodobada qaar oo halkaasi lagu kala saxiixday.

Ka hor inta aan warqadahaasi la kala saxiixin ayaa waxaa madasha ku aqriyay Wakiilada Caalamka ka joogay Shirka, kuwaasi oo dalbanaayay in wax lagu daro qodobada misna wax laga nusqaamiyo.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa haleeli waayay diidmada qodobada qaar, kadib markii uu saaxiib u noqday dhafar iyo shirar aan dhamaan, waxa ayna Dowladu iminka qabtaa shaki ku aadan qodobada qaar, sida lagu sheegay War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xassan.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa culeyska ugu badan kala kulmaayay Wakiilka QM u qaabilsan Somalia Michele Keating, Wasirka arrimaha Dibadda Ethiopia Tedros Adhanom iyo Xoghayaha Guud ee IGAD Maxbuub Macalin, Wakiilka Ururka Midawga Yurub ee Soomaaliya (EU) Michele Cervona.

Jahwareer kadib Ra’isul wasaaraha dalka ayaa qaatay Qodobo dhowr ah oo u muuqday in lagu cadaadiyay kuwaasi oo libin siinaaya maamulka Puntland.

Ma cadda sida ay Dowlada Somalia ka yeeli laheyd indha sarcaadka madasha ka dhacay.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO MUUJINAAYA JAHWAREERKA HEYSTA RW. CCC

CC2

CC5

CC9

CC1

CC1

CC2

CC3

CC4

CC5

CC6

CC7

CC8

CC9

CC10

CC11

CC12

- Advertisement -

Read more

Local News