Garoowe (Caasimada Online)- Waxaa soo baxaayo guux hoose oo ka dhashay qodobada ay kala saxiixdeen DFS iyo Puntland, waxaana lasoo warinayaa in qodobada qaar oo ay la imaaday Puntland ay xulistooda ka qeybqaaten Xubno kasoo jeeda Dowlada Ethiopia oo isugu jira Diblumaasiyiin iyo kuwo kale.
Caasimada Online waxa ay heshay qodobo qaar oo la rumeysan yahay inay isla soo dhiseen Puntland iyo Ethiopia, sida aan ka soo xiganay Siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland oo si rasmi ah ula socday diyaarinta Heshiiska labada dhinac.
Xubnaha Siyaasiyiinta ah ee aan xogtaani la wadaagnay ayaa xaqiijiyay in inta badan qodobada ay la imaaday Puntland ay wax kasoo dhiseen Xubno ka socday Dowlada Ethiopia oo ku sugnaa magaalada Garoowe, waxa ayna sidoo kale xaqiijiyeen in xitaa Qodobada DF ay ku lahaayen fakir, inkastoo ahmiyada ay saarayeen kuwa Puntland.
Qodobada qaar oo ay wadato Puntland ayaa waxaa lagu soo diyaariyay magaalada Addis ababa kuwaasi oo mideynaaya DFS, Puntland iyo Beesha Caalamka, islamarkaana qeexaaya in DFS iyo Puntland aysan faragalinkarin qodonadaasi iyada oo aan la helin xubo ka socda Beesha Caalamka.
HOOS KA AKHRISO QODOBADA AY ETHIOPIA WAX KA XARIIQDAY



