Faroole oo jooga Addis-Ababa, kana codsaday Ethiopia gacan, kadib markii ay fashilmeen dadaalladii Nairobi

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayaa booqasho ku tagay magaalada Addis-Ababa dalka Ethiopia, halkaasi oo uu mar kale ka billaabay olole siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda Somalia.

Faroole ayaa xalay hotel ku yaalla magaalada Addis-Ababa kireystay isaga oo ka codsaday wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Tedros Adhanom inuu halkaasi ugu yimaado, ayada oo markii dambena labada dhinac ay ku kulmeen halkaasi.

Faroole oo casho u sameysay Adhanom, ayaa ku dacweeyay dowladda federaalka ah ee Somalia oo uu ku eedeeyey inay dastuurka wax ka beddeshay kana codsaday Ethiopia inay taageerada kala laabato.

faroole addisWaxa uu sidoo kale Faroole ka codsaday dowladda Ethiopia inay Puntland gacan ku siiso sidii Midowga Yurub looga dhaadhicin lahaa inuu u ogolaado in Puntland ay si madax banaan uga qeyb gasho shirka New Deal.

Arrintan ayaa timid kadib markii kullamo toddobaad qaatay oo Faroole uu ku lahaa Nairobi, oo uu kula kulmay safiirada caalamka aysan wax natiijo ah kasoo bixin, sidaa darteedna uu gacan ka raadiyey Ethiopia.

Dowladda Ethiopia ayaa sida aan wararka ku helnay Faroole u sheegtay inaysan waxba ka quseyn dhibka uu sheegay inuu dhex yaalloisaga iyo dowladda federaalka ah ee Somalia.

Waxaa sidoo kale Ethiopia ay u sheegtay Faroole inaysan wax shaqo ah ku lahayn shirka New Deal.

Si kastaba, waxa ay u ballan qaaday xiriir wanaagsan iyo wixii kaalmo kale oo ay Ethiopia awoodo.

Faroole ayaa la sheegay inuusan ku qancin jawaabaha wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia uu ka helay, uuna codsaday inuu la kulmo ra’iisul wasaare Hailmariam.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@live.com