Faroole oo ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay maamulkiisa 4-tii sano

Boosaaso (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Mamamuud Faroole ayaa ka hadlay xaflad xaley ka dhacday magaalada Boosaaso oo lagu dabaal dagayay sannad guuradii afaraad ee ka soo wareegtay markii la dhisay maamulkiisa ayaa ka hadlay arrimo badan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in afartii sano ee la soo dhaafay ay qabteen waxyaabo fara badan oo ah xagga horrumarka.

Madaxweynaha ayaa sheegay muddadaas in ay wax badan ka qabeen arrimaha ammaanka. Siyaasadda, la dagaalanka burcad-badeeda iyo ballaarinta maamulkiisa.

“Waxqabadkii muddii afarta sano ee aan jirnay waxa ay ahayd afar sano oo howl badan waxaad ogtihiin meesha aan wax ka billownay, haddii laga eego xagga amniga, dhaqaalaha, xagga wax qabadka hey’addaha caalamiga ah ee Soomaaliya ku tiirsan tahay waqtiga xaadirka oo aysan isku filneen, haddii laga eego adeegga bulshadda,

Wuxuu sii hadlay “ Waxa aan xafiiska la wareegnay iyadoo magaalada Boosaaso amnigeeda uu aad u liito oo aron karo wax badan ayaa laga qabtay, bishii October 2008-dii waad ogtihiin qaraxyadii ka dhacay waxana la wareegnayo deeganno badan” ayuu yiri Faroole.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in horrumarka uu gaaray maamulkiisa uu ka mid yahay dastuur u sameenta Soomaaliya in ku-meel-gaarka laga baxo.

“Dowladda Fedaraalka Soomaaliya siddii ay uga bixi lahayd ku-meel-gaarnimada waan is qabanay, laakin aaqirkii waxa ay noqotay in aan wadashaqeyno oo wixii ragga qaar ay halakan ka sheegeen aan meel marino Puntland ayaa hormuud u ahayd waxana ay ka dhacday gudaha Puntland iyadoo meel kale lagu qaban waayay oo Soomaaliya ah” ayuu yiri markale Faroole.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in maamulkiisa uu xilka u dhiman yahay muddo hal sano oo dheeri ah, taasoo u oggalaanaayo dastuurka Puntland.

Madaxweynaha ayaa dhaleeceeyay dad uu ugu yeeray in ay yihiin qaswadayaal doonaya in ay la burburiyo maamulka Puntland.

Si kastaba, hadalka madaxweynaha Faroole ayaa ku soo beegmaya iyadoo muddada loogu talagalay in uu xafiiska hayo ay ku ekeed shaley oo bisha January ahayd 8-da 2013-ka.

Ammaanka magaalooyinka Puntland ayaa la adkeyay waxana meel kasta la dhigay ciidamo badan oo ammaanka suga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso