Farriin ka timid Dowladda Somalia oo ku socota Soomaalida oo idil

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Somalia ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay diyaar u tahay inay dalka dib ugo soo celiso dhammaan muwaadiniinteeda kala jooga caalamka, ayada oo ammaanka dalka uu soo hagaagayo.

Dowladda wax ay si gaar ah u sheegtay dadka qaxootiga ah ee ku dhibaateysan meelo ay Kenya ugu horeyso, oo dhowaan amarro adag lagu soo rogay.

Dowladda Somalia waxa ay sheegtay in xaaladda dalka ay sii hor mareyso.

“Wax soo saarka cuntada ayaa lagu wadaa inuu sare u kaco, dhammaadka sanadkan, waxaana jira xaalado muujinaya in wax soo saarka beeraha ee gobollo badan uu sare u kici doono” ayaa lagu yiri bayaanka Dowladda Somalia.

Dowladda Somalia waxa kale oo ay sheegtay inay horumarisay xaaladda ammaanka ee dalka, taasi oo ogolaan doonta in hay’ado badan oo gar gaar oo caalami ah ay dadka caawiyaan.

Xaaladda sii hor mareysa ee Somalia ayay tiri Dowladda,  ayaa sidoo kale hay’adaha Qaramada Midoobe ee UNICEF iyo WHO iyo kuwa la saaxiibka ah u ogolaatay inay caafimaad la gaaraan kuwa ugu beylahan shacabka ee haweenka iyo caruurta.

Dowladda Somalia ayaa bayaankeeda kusoo geba gebeysay in dhammaan xaaladahaas wanaagsan ee dalka iminka kasii hormaraya ay ogolaan doonto in shacabka Soomaaliyeed ay dalkooda dib ugu soo laabtaan, ayna ugu yeereyso sidan.

Xafiiska Warar Caasimada Online

Muqdisho, Somalia