25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Faroole oo sheegay halka uu ka yimid qofkii isku qarxiyay Boosaaso

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo maanta saxaafadda kula hadlayaya Garoowe ayaa sheegay in ruuxii fuliyay qaraxii ka dhacay shaley magaalada Boosaaso uu ka yimid gobalka Shabeellaha Dhexe.

Faroole ayaa caddeeyay baaritaan la sameeyay lagu ogaaday ninkii fuliyay qaraxa in uu ka yimid Shabeelaha Dhexe isla markaana lagu magacaabi jiray iyo Axmed Ibraahim Axmed Adam.

Faroole ayaa sheegay in la qabtay dad lagu tuhmaayo in ay wax ka abaabuleen qaraxa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Faroole ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay ku sii jeedeen magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia.

Faroole ayaa sheegay in isaga iyo wafdiga la socda ay ka qaybgali doonaan xuska qoomiyadaha kala gaddisan ee ku nool dalka Ethiopia oo sannad kasta lagu qabto magaalooyin ku yaalla dalka Ethiopia.

Magaalada Boosaaso ayaa shaley waxaa ka dhacay qarax loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha, waxaana lagu weerarray ciidamo ku sugnaa bartamaha magaalada .

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News