FAROOLE oo sheegay inuu madaxweyne Farmaajo god dheer ku sii ridayo dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo haatan ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan matalaaddda la siiyey gobolka Banaar.

Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa si weyn uga horyimid ansixinta xeerkaasi, kadib markii xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ay meel mariyeen in gobolka Banaadir uu Aqalka Sare ku yeesho illaa 13 xubnood.

Sidoo kale wuxuu go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay mid sharci darro ah, islamarkaana lagu deg-degay, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa intaasi ku daray in madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku tumanayo shuruucda dalka, kuna sii ridayo god dheer, isaga oo kula shirkoobay guddoonka Golaha Shacabka.

“Dalkii god buu ku socdaa, madaxweynihii dastuurka loo xil saaray inuu difaaco baa godka ku riday, wuxuuna kula shiraakoobay sharci darada hoggaanka Golaha Shacabka.”ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Puntland ay horey uga hortimid mataaladda G/Banaadir, waxaana arrintaasi maanta xasaasi ah ka leh golaha wakiilada maamulkaasi.