Nairobi (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi-Raxmaan Maxamed Faroole, oo Wareysi dheer siiyay Wakaalada Wararka Reuters ayaa ka ha hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay in maamulkiisa uu hakiyay xiriirka uu la lahaa dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay wadaan qorshe ay ismaamul ka go’ay Soomaaliya u sameesan lahaayeen.
Faroole muxuu ka sheegay in ay hakiyaan xiriirka DF Somalia iyo Puntland?
Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in sababta ka dambeesa in ay joojiyaan xiriirka kala dhexeeyay iyaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya uu yahay markii dowladda ay ka gaabisay hirgalinta nidaamka fedaraalka, kaasoo la rabay in ay billowdo muddada sannadka ah ee u dhammaaday hadda.
Wuxuu sheegay in maamulkiisa uu wado qorshe uu ku xoojinaayo siddii ay uga go’i lahaayeen dowladda Soomaaliya oo ay u sameesan lahaayeen maamul iyaga u gaar ah.
Faroole ayaa sheegay in Puntland ay ka faa’ideesan doonto Kheyraadka dhinaca shidaalka ee ku jirra deegannada ay maamulaan, kuwaasoo uu sheegay in hadda la billaabay siddii loo baari lahaa.
Faroole Muxu ugu yeeray dowladda dhexe?
Madaxweyne Faroole ayaa Wareysiga uu siiyay wakaalada wararka Reuters wuxuu ku sheegay in dowladda dhexe ay la mid noqotay dowladii Maxamed Siyaad Barre ee Millitariga ahayd, taasoo awoodeeda inta badan laga maamuli jiray caasimada Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in marnaba arrintaas aysan dooneynin isla markaana sheekadaas ay maanta soconeynin, wuxuu ku hanjabay in dhammaan heshiisyadii ay la lahaayeen dowladda dhexe in la joojiyay.
Faroole ayaa sheegay in dowladda aysan hadda diyaar u ahayn hirgalinta nidaamka fedaraalka maadama halka ay jirto ayuu yiri dowlad fedaraal ah.
Shidaal baaris ayaan billownay
Madaxweynaha Puntland ayaa shaaciyay in maamulkiisa uu hadda billaabay in uu qandaraas uu madax bannaaan yahay la galo shirkado laga lee yahay waddamada Canada iyo Australia, kuwaasoo uu sheegay in shidaal baaris ay ka wadaan deegannada uu maamulka Puntland uu ka arrimiyo.
Si kastaba, dadka siyaasadaha rogroga waxa ay lee yihiin hadalka Faroole waa mid uu dadka reer Puntland uga jeedinaayo qorshihiisa ku saaban doorashada maamulkaas oo lagu wado in ay dhacdo bisha January sannadka na soo aadan 2014-ka.
Faroole ayaa dhawaan muddo sannad ah iskiis ugu korarsaday xafiiska markii ay u dhammaatay xilliga loogu talagalay in uu sii hayo maamulkiisa, waxaana arrintaas si weyn u cambaareyay siyaasiyiinta iyo wax-garadka reer Puntland.
Faroole waa nin caan ku ah in uu jahwareer galiyo dowladdaha Soomaaliya soo maray, wuxuuna arrintaas u sameeyaa markii uu ka waayo danihiisa sidaas waxaa leh dadka ku xeel dheer arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi