25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Fartaag oo saddex qodob kala hadlay saraakiisha sare ee AUSSOM + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha sare ee howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, isaga oo kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah.

Fartaag ayaa xafiiskiisa si gaar ah ugu qaabilay ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene iyo saraakiil kale oo ka socotay howlgalka AUSSOM, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah.

Wasiirka oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in saddex qodob uu kala hadlay madaxda uu la kulmay, waxana kala yihiin xaaladda guud dalka, arrimaha amniga iyo dagaalka Shabaab.

“Maanta waxaan xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay. Wafdiga, oo ay qayb ka ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaan ka wada hadalnay xaaladda guud ee siyaasadda dalka, arrimaha amniga, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah” ayuu yiri wasiirku.

Danjire El Hadji Ibrahima Diene oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaaladooda ku aadan xasilinta Soomaaliya, gaar ahaan dardargelinta howlgallada ka scoda dalka oo ay qayb ka yihiin ciidamada AUSSOM oo ka socda dhowr dal oo Afrikaan ah.

Ninkan ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, wuxuuna si gaar ah ugala hadlay shaqada culus ee loo soo igmaday, arrimaha amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

Danjire El Hadji Ibrahima Diene ayaa dhowaan si rasmi ah ula wareegay xilka Madaxa howlgalka AUSSOM, isaga oo hormuud u noqon doona dib-u-habeynta iyo hagaajinta taageerada uu howlgalkaasi siiyo ciidamada Soomaaliyeed.

Si kastaba, kulankan ayaa imanaya xilli ay kooxda Al-Shabaab dib u qabsatay qaar kamid ah deegaannadii laga xoreeyay, isla markaana uu hoos u dhac weyn ku yimid dagaalka kooxda Al-Shabaab, oo ay iska kaashanayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News