FAYSAL Cali Waraabe oo aflagaadeeyey gabdhaha deegaanada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa u gafay gabdhaha ka soo jeeda gobolada Waqooyiga Soomaaliya.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey xaflad lagu soo bandhiyey buug laga qoray Allaha unaxariistee wariye Axmed Xassan Cawke ayaa uga hadlay arrimo badan, oo ay ka mid ahaayeen siyaasadda arrimaha dibedda ee laga soo ooday maamulka Somaliland.

Sidoo kale isaga oo ka hadlayey in reer Somaliland ay aad uga dambeeyaan Soomaalida Koonfurta haddii ay ahaan lahayd dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha iyo tacliinta, ayaa sheegay in gabdhaha quruxda badan ee Somaliland JAARIYADNIMO/BOOYAASNIMO ugu shaqo tegi doonaan Koonfurta Soomaaliya.

“Walaahay gabdhahan quruxda badan in ay jaariyadnimo ugu shaqo tegi doonaan Koonfurta”

Hadlakaas ka soo yeeray Faysal Cali Waraabe oo gefka ku ahaa hablaha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ayey sacab iyo qosol ku soo dhaweeyeen dadkii xafladda joogay.

Hase ahaatee, waxaa la maqli karay gunuunuc iyo hadallo hoose oo qasay hadal jeedintii Faysal, balse aysan caddeyn in ay falcelin carro ahayd iyo tagaeeridda aragtidiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com