Banaabax rabshado wata oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo + Sawirro

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado wata oo ay dhigayaan dadka deegaanka.

Haween badan iyo dhalinyaro ayaa ka qeyb galay banaanbaxa, waxaana la sheegayaa inay kasoo horjeedaan dil maxkamad ku taala Puntland ay ku xukuntay C/risaaq Xuseen Tahliil oo horey ciidamada Puntland ay kala baxeen guriga uu ka degenaa Gaalkacyo.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa saacado kooban xiray isku socodka gaadiidka ee magaalada Gaalkacyo, iyaga oo ku dhawaaqayay inay kasoo horjeedaan xukunka Maxkamadda.

C/risaaq Tahliil, ayaa sida wararka aan ku heleyno wuxuu kasoo jeedaa dhinaca Koofureed ee magaalada Gaalkacyo, waana sababta banaanbaxa dadka deegaanka ay u dhigayaan.

Taayarada gaadiidka ayay gubayeen, waxayna muujinayeen sida ay kaga soo horjeedaan xukunka maxkamadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com