DAGAAL ka dhex qarxay Soomaalida iyo Oromada

Mooyaale  (Caasimadda Online) – Ugu yaraan 7 qof ayaa inta la og yahay ku dhintay dagaal ka dhacay degmada Mooyaale ee ku taalla xudduudda Kenya iyo Itoobiya.

Khasaare nafeed ayaa soo kala gaaray labada dhinac ee Dagaallamaya,waxaana la sheegayaa in dagaalka oo wali socda ay ilaa hadda ku dhinteen

Labada dhinaca ayaa dab qabadsiiyay Guryo iyo Xafiisyo,sida uu sheegay C/Fitaax Maxamed oo ka mid ah Soomaalida Mooyaale.

Meelaha la wax yeelleeyay waxaa ka mid ah Iskuullo, Xafiisyo Dowladeed iyo Xarumo kale mana jirto ilaa hadda cid ka hadashay,waxaana ku barakacay Boqolaal qof oo labada dhinac ka tirsan.

Dhowrkii Sano ee la soo dhaafay ayey labada dhinac ku dagaallamayeen degaankaas,waxaana ay isku heystaan dhul ballaarsi .

Tan iyo shalay ayuu dagaalku socday, waxaana la sheegayaa in ay jiraan guryo iyo xafiisyo weli gubanaya.

Ma jirto cid weli kala dhex gashay, wararkuna waxay sheegayaan inuu dagaalku weli socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com