Aqri magacyada: DF oo soo daysay maxaabiis 4 sano ku xirnaa Uganda

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay dhameystirka sii deynta Maxaabiis muddo Afar sano ah ku xirnaa xabsi ku yaala dalka Uganda.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in maxaabiistaan oo dambiyo kala duwan loo heystay, Wadahadal dheer kadib lagu guuleystay in xabsiga laga sii daayo.

Waxaana Qaarkood la sheegay in maxaabiista Soomaaliyeed loo heystay falal la xiriira argagixiso, walow qaarkood ay beeniyeen dhamaan eedeymaha loo heystay maxaabistaan.

Maxaabiista ayaa kala ah:-

1-Mohamed ahmed gele

2-Abdi abdulahi bootan

3-Mohamed abdulqaadir xirsi

4-Mohamed yuusuf faarah

5- Yuusuf osman hussen

6-Xasan abdiwali mohamuud calanwade.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay wadamo ay ka mid yihiin,Ethiopia,Libya,Kenya, Seychelles iyo kuwo kale waxa ay ka soo deysay muwaadiniin mudo dhowr Sano ah ku xirneyd halka kuwo kale la qorsheynayo in la soo daayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com