9-ka koox ee hor-taagan nabadda Somalia (Kooxda 6-aad: Jabhado beeleed)

Halkan ka aqriso qeybihii hore ee qormadan.

Jabhado beeleed

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliyeed dalka waxaa ka hanaqaaday ciidan beeleed ku can baxay anshax-xumo iyo dhibaateyda dadka shacabka. Ciidaan beeleedyada ayaa waxay inta badan ka amar qaadaan hogaamiye-beeleedyada siyaasadeed iyo dhaqan eek a jira deegaanka ay ku nool yihiin. Iyadoo laga wada dheregsan yahay taariikhda iyo dhibaatooyinka ay dowladnimad u geysteen ciidan beeleedku, waxaan ku soo koobayaa qodobadan:

  1. Sarkaal Beeleed: sida ciidan lagu yiqaano sarkaal waxaa noqda qof leh aqoon, khibrad iyo karti ciidan. Laakiin hadda waxaa soo baxay saraakiil sita darajooyin waaweyn aan lagu qaadan aqoon iyo waayo-aragnimo ciidan ee lagu helay wax loo yiqaano ‘Iska Xiro’ oo macnaheedu yahay darajo la iska qaato iyadoon la soo marin wax leyli ama tababar sakaalnimo. Waxaa soo baxay Janano ama sareeyaal guuto/guud oo iyagoon aan weligood soo marin tababar ciidan oo asaasi ah, tababar sarkaalnimo ama aan soo bixin kuliyad dagaal loo magacaabayo xil ciidan. Arrintaan ayaa waxay sababtay in ciidanku noqdo mid aan waxtar ahayn tayadiisuna ay aad u liidato.
  2. Kala –qeybsanaan: maadaama ciidaankii noqday mid deegaan iyo bee lama beelo ku kooban waxaan sii xoogeysatay kala qeybsanaanta iyo daciifnimada ay qabaan ciidan beeleedyadu. Arrintaan ayaa waxay keentay habacsanaan dhinaca amniga dalka ah. Ilaalinta ay jiraan ciidan beeleed hubeysan oo ku sugan deegan iyo degmooyin dalka ma mid, nabad iyo dowladnimo cago xoog leh ku taagan lama arkaayo.
  3. Nidaam xumo iyo Jaahwareer: iyadoo ciidan kii aanu inta badan isku dhafneyn islama markaana lagu soo kala tababaray dalka shisheeye oo kala ujeedo ah, waxaan adkaatay in la helo ciidan nidaamsan oo leh hogaan kulansaday waay aragnimo, karti iyo aqoon. Ciidankii wuxuu noqday mid isku dhexyaacsan oo aan lahayn qab dhismeed shaqeynaayo iyo nidaam hufan oo lagu hogaamiyo. Waxaan soo baxay ciidan uu noqdo mid akhlaaqdiisa iyo edebtiisa ciidan uu aad u liido oo ku can baxay dagaal dhexdiisa ah iyo cunitaanka muqaadaradka. Shacabka soomaaliyeed intiisa badan waxay in badan ciidan u arkey kuwo aaney naftooda iyo maalkooda ku aami karin.
  4. Ku-xadgudub Xuquuqda Muwaadiniinta: ciidan beeleedyada ayaa waxaa markasta lagu eedeeyaa inay geystaan falal lidi ku ah xuquuqda asaasiga ee shacabka ay ahayd inay ilaaliyaan naftooda, maalkooda iyo sharafkooda. Waxay la sheegaa inay ku kacaan falal isugu jira dhac, kufsi iyo dil loo geysta dadka aan hubeysneen iyo maatada aan is difaaci karin. Dhacdooyinkaan ayaa waxay wasaqeeyaan sharafta iyo kartida ciidan iyo weliba dowladnimada Soomaaliya. Hay’addaha u dooda xuquuqda dadka jilicsan ayaa waxay markasta warbixinta ay qoraan ku sheegaan in ay ciidanka dowladdu geysto tacadiyo iyo goboodfal lagula kaco dadka shacabka, gaar ahaan dadku nolol xeryaha ama goobaha ay ku nool yihiin kuwa ay colaadaha iyo abaaruhu barakiciyeen…la soco qeybta xigta oo ku saabsan Fakhri iyo Shaqo la’aan Dhalinyarada, insha allah.

W/Q: Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax). Dr. Qorax, waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka KenyaEmail: abdullahi.qorah@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid