Mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda Hormuud oo Muqdisho lagu toogtay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Koox hubeysan ayaa  maanta waxaa ay weerar ku qaadeen Shaqaale ka tirsanaa Shirkada Hormuud, xili ay marayeen Isgooska Baar-ubax ee magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay 2 Qof ayaa ku geeryootay, halka hal qofna uu ku dhaawacmay.

Qofka dhaawaca ayaa waxaa loo qaadday mid ka mid ah isbitaalada ku yaala Muqdisho, iyadoona halkaasi lagu dabiibayo.

Kooxda weerarka fulisay ayaa waxaa la sheegay in ay goobta ka baxsadee.

Ruuxa la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Daahir Nuur Karaane halka midka la dhaawacay isna magaciisa lagu soo gaabiyay Gurey,waxaana uu ahaa mid kamid ah ilaaladda Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Shaqaalhaan ayaa ka shaqeenayey Xarunta ay Hormuud ku leedahay Isgoyska Baar Ubax, waxayna xilligaas u socdaan Salaadda Duhurka.

Kooxii  hubeysnaa ee falkaan geystay ayaa la sheegay in ay durbo goobta ka baxsadeen.

Ciidamo boolis ah ayaa goobta gaaray iyagoona halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com