Faysal Cali Waraabe oo weerar ku qaaday Soomaaliya iyo xulafada Fahad Yaasiin

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe oo markii u horeysay ka hadlay fal-celinta baraha bulshada ee gabadh sheegtay in loo diiday kaarka dhalashada Somaliland, ayaa is-barbar dhig yaab leh ku sameeyay waxa ka socda Soomaaliya iyo Somaliland.

Faysal ayaa ugu horeyntii sheegay in Somaliland ay noqotay meel markasta oo wax yari ka dhacaan ay Soomaalida baraha bulshada isticmaashaa aad ugu mashquusho, halka kuwa Soomaaliya ka dhaca ayna muuqan.

Guddoomiye Faysal ayaa tusaale u soo qaatay kiiskii Ikraan Tahliil, oo uu sheegay in aan la aqoon meel ay ku dambeyso, halka kuwii loo haystay oo uu kamid yahay Fahad Yaasiin ay Soomaaliya u dalacsiisay darajada xildhibaanimo.

“Somaliland waxay noqotay mowduuc Soomaalidu ka hadasho, Somaliland uun baa laga hadlaa, waxan maqlayay inan ayaa dhalasho loo diidaday, barigii hore waan ka xanaaqi jiray oo waxan odhan jiray waar maxaa dadka dusha idinka saaray, lakin hada waxan ogaaday, show inagu waxaynu nahay maracad oo xariir ah oo xumaanta ayaynaan qarsan,” ayuu yiri Faysal.

“Dad nadiifa ayaynu nahoo wixii yaraa ee qalad ahba wuu muuqanayaa, bal wakaase Xamar dadka ayaa lagu iibiyaaye maad maqasheen dad lagu iibinayo, inan ayaa dhalasho loo diiday ayaa la yidhee tii la xabaalay maa la hayaa raqdeedi, dadkii loo hayay xildhibaano ayay noqdeen oo way ku dalaceen.”

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ugu dambeyntiina ku baaqay in hadii wax khaldani uu jiro la saxo oo gabadhaas cabashadeeda ku faaftay baraha bulshada la siiyo dhalashadeeda Somaliland.

Si kasta, Tan iyo markii ay soo baxday arrinta gabadha sheegtay in haybteeda darteed loogu diiday dhalashada Somaliland, waxay dowlada hoose ee Hargaysa sheegtay in aanay marin wadadii sharciga ahayd ee ay ku heli lahayd dhalashada, ayna been abuur ka sameysay xogteeda shaqsiga ah, lana siin doono haddii ay soo marto wadada saxda ah.