Xaalka kursiga xildhibaannad Aamino Maxamed Cabdi iyo xujada hortaala Guudlaawe

Beledweyne (Caasimada Online) – Kursiga xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ee yaala Magaalada Beledweyne ayaa dood xooggan ka dhex abuuray Baraha Bulshada kadib markii ay soo xoogeysteen wararka sheegaya in xildhibaan Aamina ay qarka u saaran tahay inay kursiga lumiso.

Kursigaan waa HOPP#135, Dadka doonaya inay Aamina kusoo laabato Kursiga waxay daliishanayaan dorokeedii xaq u dirirka ahaa ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo aan weli dhinac u dhicin.

Inkastoo dadka u doodayo Aamina mucaaradka u badan yihiin haddana waxaan dood badan ka jirin inay Aamina si aan dhuumasho laheyn u wajahday Kiiska Ikraan Tahliil Faarah.

Culeys xoog leh ayaa saaran dib u doorashada xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, Laba dhinac ayuu culeyska ka heystaa, mid waa dhanka Villa Somalia midna waa xisaabta qabiilka.

Maamulka madaxweyne Farmaajo gaar ahaan taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir waxaa lagu eedeenayaa inuu culeys badan saarayo hoggaanka maamulka Hirshabelle, culeyskaan waa in aysan Aamina kusoo bixin HOPP#135.

Dadka arrintaan Fahad ku eedeenayo waxay leeyihiin wuxuu Fahad diidan yahay in Aamina kiiska Ikraan Tahliil usoo rarto Golaha Shacabka.

Cilaaqaadka maamulka Hirshabelle iyo Fahad Yaasiin waa mid aad u xooggan. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegaya in kursigaan laga dhigay kooto Rag oo uu maamulka meesha ka saaray dib usoo laabashada Aamina waana sababta uu mudaaharaad qoraal ah uga dhex socdo Facebook.

Culeyska Labaad ee heysta xildhibaan aamina wuxuu la xiriiraa xisaabta qabiilka, Aamina Maxamed Cabdi waxay qaraabo dhow yihiin guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cabdixakiim Luqmaan, waxayna qeyb Beesha kamid ah ku doodeysaa in jufadaas aysan wada qaadan karin guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo Xildhibaan heer Federaal ah.

Xisaabtaan qabiilka dhexdiisa ah culeyskeeda ayey leedahay marka la eego dib usoo noqoshada xildhibaan Aamina.

Haddaba yaa loo wadaa kursigaan?

Waxaa ugu cadcad inuu kursigaan kusoo baxo Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah xoghayahan  ururka suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ.

Cumar oo waayihii dambe aad ugu dhawaa nidaamka Villa Somalia ayaa taageero buuxda ka helayo waqtigaan kooxda madaxweyne Farmaajo.

Xiisadda kursigaan waxay mararka qaar u muuqaneysaa loolan u dhaxeeya mucaaradka iyo muxaafidka. Mid kamid ah madaxda sare ee maamulka Hirsabelle oo aan arrinta kursigaan wax ka waydiinay wuxuu inoo xaqiijiyey in kursigan HOPP#135 uu Cumar Faaruuq kusoo bixi doono haddii aysan xaaladda wax ka badalin culeyska maalmahaan ka socda warbaahinta ee lagu garab istaagayo xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Hoggaamiyaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe wuxuu kursigaan ku yahay imtixaan gaar ah, dhinac waxaa ka taagan Shacab, siyaasiyiin iyo Dad waxgal ah oo dalbanaya in kursiga Aamina lagu soo celiyo, dhinaca kale waxaa ka taagan kooxda madaxweyne Farmaajo oo abaal sheegasho badan wata, dhinacna waxaa taagan reerkii kursiga lahaa oo xisaabta isaga maran tahay, halka uu dhanka kale joogo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo kuraastii kale ee deegaanka taalay u dhaafay Guudlaawe iyo Dabageed balse qasab u arka in kursiga jufadiisa laga tala geliyo.

Waxaa si weyn loo eegayaa  sida uu hoggaamiyaha Hirshabelle uga baxsado xujada kursigaan, balse rajada xildhibaan Aamina ee kursigaan aad ayaa looga deyrinayaa.

Waa macquul in baaqa iyo cadaadiska tooska ah ee la saarayo Cali Guudlaawe maalmahaan inuu wax u gooyo Gabadhaan.