Faysal Falaalug oo weerar culus ku qaaday Somaliland

Laascaanood (Caasimada Online) ― Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada uu hogaamiyo Korneyl Faysal Falaalug ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo ku sugnaa xerada buurta Sayidka.

Faysal Falaalug, hogaamiyaha jabhada xoraynta gobolka Sool ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in weerarkaasi ay waxyeelo ba’an ku gaarsiiyen ciidamada Somaliland, isla markaana iyagu nabad qab kaga soo laabteen.

“Jabhada xorayntu xalay waxay gashay buurta sayidka ilaahayna waa uga rooneeyey waxyeelo anaguna nabad galyo ayaa ilaahay na siiyey oo aanu kaga baxnay” ayuu yiri Faysal Falaalug.

Dhinaca kale, Gaashaanle Axmed Cabdilaahi Cabdi, Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan aqoonsan cidii geystay weerarkaasi ayna wadaan baadhista cidii ka dambaysay, wuxuuna yiri

“Goobta aniga ayaa tagay oo soo eegay, xerada milatariga dusheeda ayey ahayd, meeshii aan tagayna sadex qori ayaan qasharkooda ku arkay, qaarna waxay na oo waydiiyeen dad ayaa dhintay iyo laascaanood waxbaa ka dhacay”.

“Magaalada Laascaanood gudaheeda waxba kamay dhicin, xerada milatariga dusheeda ayey ahayd aniga ayaa istaagay, qofka wax kale sheegayaa ha sheego laakiin gobolkan anaga ayaa amnigiisa ka masuula oo waxba kamay dhicin”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Dad tuhun loo hayo oo arintaas loo tuhmayo oo xidhan ayaa jira, taasna ciidanka dembi baadhista ayaa gacanta ku haya oo baadhis ayaa ku socota, ciidanka Booliskuna ka fadhiisan maayo amniga waana waajibaad saaran in dalka iyo dadkaba loo adeego oo aanu nafta iyo dhiigaba u hurno”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com