Sarkaal maanta Muqdisho lagu toogtay iyo ninkii dilay oo nolosha lagu qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Canshuuraha ayaa goor dhow lagu dilay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa waxaa geystay rag ku hubeysnaa bistoolada oo Marxuumka la dhacay dhowr xabadood, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ilaalada sarkaalkaasi ay dhaawaceen mid ka mid ah ragga dilka geystay, iyagoona gacanta ku dhigay.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Dawiil Cabdi ayaa lagu soo warramayaa inuu Canshuuraha ka qaadi jiray ganacsatada Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa dilka kadib gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Shalay ayey aheyd markii askari ka tirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya lagu toogtay gudaha suuq Bacaad, kaas oo kooxihii dilay ay horay uga sii qaateen hubkii uu watay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com