Shir u dhexeeyey IGAD iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhamaaday (Warbixin)

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shir u dhexeeyey urur goboleedka IGAD iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo wararku ay sheegayaan inuu fashil ku soo dhamaaday.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa wada qaatay ergeyga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr Maxamed Cali Guyo iyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashada Jubbaland iyo tabashada ay qabaan musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi.

Ugu horreyn wakiilka ayaa warbixin ka dhageystay Axmed Madoobe, taas oo ku aadan arrimaha ammaanka, doorashada iyo xaaladda guud ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in ergeyga IGAD uu soo jeediyey in ururkooda uu goobjoog ka ahaado doorashada, balse taasi uu ka biyo diiday madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wuxuu tilmaamay in arrimaha doorashada iyo qaban qaabadeeda ay u madax banaan yihiin guddiga doorashada maamulkaasi oo uu isagu magacaabay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada mas’uul ay ku ballameen kulan kale oo maanta ay ku yeelayanayaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo la doonayo in lagu dhameeyo isfaham waaga u dhexeeya IGAD iyo Jubbaland.

Weli waxaa uu is jiid-jiid ka taagan yahay doorashada Jubbaland oo lagu wado in la qabto bishan August ee 2019-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com