Federaalka xal ma u yahay Somalia?

By Asad Cabdullahi Mataan

Sidaan wada ognahay heshiiskii Embagaati ee Soomaalida logu qabtay dalka Kenya sanadii 2002-2004, waxaa gabagabadii lagu soo yagleelay dowlad ku dhisan habka federaalka, waxaana madaxweyne u ahaa alaha unaxariistee C/lahi Yusuf Axmed.

Bishii Augusto aynu soo dhaafnay ee sanadkaan waxaa magaalada Muqdisho lagu ansixiyay Dastuur Federaal ah oo KMG ah, waxaana ansixyay oday dhaqameedyo gaaraya 825 kuwaasoo laga soo kala xulay gobolada dalka uu kakoobanyahay, hadaba dastuurkan KMG ah ayaa waxaa katimid dood aad ufarabadan iyo Su’aalo iyadoo aqoonyahano farabadana ay saluugeen qodobo badanoo kujira dastuurka.

Qodobo badan oo kamid ah dastuurka ayaa muuqda kuwo ay lug kuleyihiin doowladaha dariska la ah Soomaaliya, waxaana kamid ah qodobka tilmaamaya in dhulalka Soomaliya kamqan ee ay kahaystaan Kenya iyo Itoobiya lagu raadiyo xal diblomaasiyadeed ee aan lagu raadin xoog, sidokale waxaa kamid ah qodobada keenay muranka qodob isna tilmaamaya an Gabadha ay ku qaangareeyso da’da 18-aad.

Si kastooy ahaataba dastuurkan ayaa la ansixiyay iyadoo shacabka soomaaliyeed aysan wax cod ah ama aragti kuyeelan, waxa uuna lamid yahay qaraaradii iyo shirarkii horay loogu qabtay Soomaalida oo aysan shacabka marnaba ku lahayn wax cod ah.

Doowlada cusub ee jamhuuriyada Soomaaliya madaxdana uu kayahay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hada kumashquulsan ineey sameeyso Maamul Goboleedyo, iyadoona laraacayo habka Federaalka ayaa waxaan jeclaanay inaan qoraalkan kusoo gudbino aragtiyo iyo latalin kusaabsan sameynta maamuladaas islamarkaana anfici doonta dadka leh go’aan gaarista wadankaan sharafta leh.

Waxyaabo loo baahanyahay in la ilaaliyo marka lasameeynayo maamul Goboleedyo:

1-Waxaa lagama maarmaan ah in ladajiyo qawaaniin iyo halbeegyo xadidan kahor intaan lasameen maamul Goboleedyada, qawaaniintaas iyo halbeegyadaasna waa ineey ahaadaan kuwo ku dhisan wadaniyad, sinaan, cadaalad, iyadoo dhanka xuquuqda iyo waajibaadkana ay u sinaanayaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo qaas ahaan dadka dagan Gobolada lasameeynayo.

2-Doowlada midnimada qaran waa in iyada ay dajisaa qaabka loo sameeynayo Maamul Goboleedyada, iyadoo lala tashanayo dadka deegaanka, waana in laysku dhafaa dadka dagan micnaha waa in ay qayb kawada noqdaan Maamulka oo ku koobnaan hal cid.

3-Maamul usameeynta Gobolada arinta kusaabsan waa in doowlada Soomaaliya ay iyada noqotaa mida go’aamisa, islamarkaasna waa ineeysan jirin faragalin dibada ah qasatan doowladaha dariska nala ah ee wata baryahaan damacyada guracan.

4-Waxaa muhiim ah in la tixgaliyo kala duwanaashaha qabaa’ilka daga Gobolka loo sameeynayo maamulka iyadoon la eegeen qabiilka ku badan ama ku xoog badan taas waxay keeni kartaa isku dhac iyo dib udhac.

5-Maamulada lasamayn doono waa ineey ahaadaan kuwo kashaqeeya danaha iyo masaalixda guud ee Soomaaliya dhan walbo ha ahaatee, sida dhaqaalaha, amniga, siyaasada…waxaana reebtoon in maamulada lasamayn doono ay kashaqeeyaan kala goynta shacabka Soomaaliyeed iyo jiritaanka umada sidokale waa inusan u adeegin dowladaha cadaowga ku ah Soomaaliya.

Doowlad kastoo aduunyadan kajirta waxay leedahay qiyam siyaasi ama yool ay dooneeyso ineey gaarto xaqiijinteeda islamarkaasna aan lataaban karin waxaana kamid ah:

-Waa in doowlada ay awood uleedahay in dalkeeda ay kadifaacdo handadaad kastoo kaga imaata dibadda
-Waa in doowlada ay awood uleedahay kobcinta dhaqaalaha wadanka qaasatan xagga ganacsiga.
-Doowlada waa ineey awood uleedahay xaqiijinta siyaasada arimaha gudaha taasoo hadii aysan dowlada ku guuleeysan ay markaas u nuglaaneeyso handadaada cadawga dibada kadib dagaalka qaboow, waa sida hada nahaysato anaga hadaan soomaali nahay.
-Doowlada waa ineey ilaalisaa sharafka iyo karaamada ay kuleedahay Gobolka, taasoo keeni karta in ay miisaan kuyeelato Go’aan kagaarista arimaha qaar ee Gobolka.
-Doowlada waa ineey dib u dhigtaa dhaqan galinta nidaamka Federalka ilaa iyo inta ay shacabka Soomaaliyeed cod afti ah uqaadayaan dastuurka cusub kadib afar sano doowladaan hada jirta.
-Waxaa wanaagsan in dowlada ay soo magacaawdo gudi daraasad ku soo sameeya nidaamka Federaalka inuu yahay mid ku fiican Soomaaliya iyo inuusan ahayn.

Dadka qaba in hab Federaal lagu dhaqo Soomaaliya iyo waxa ay ku doodayaan:

=Dadka ku doodaya in nidaamka Federaalka uu soomaaliya xal uyahay waxay daliil kadhigteen in Soomaaliya ay soo martay dagaalo sokeeye oo qabiil sidaa darteedna ay mesha kabaxday is aaminaada taasoona dhalisay is faham waa iyo kalsoonidii oo burburta, sido kale waxay qabaan in ay jirto cabsi laga qabo in markale ay soo laabato doowlad kali talis ah sida tii Maxamed Siyaad Bare, sidaa darteed waxay qabaan in nidaamka Federaalka uu xal uyahay Soomaaliya.

=Sidokale dadka udoodaya Federaaliisimka waxay qabaan in dadka dagan Gobolka ay awood uyeelanayaan ineey iska dhex arkaan siyaasada iyo maamulka maadama dhamaan dadka deegaanka ay iska soo dhex xulanayaan dadka umatalaya maamulkaas.

Dadka Mucaaradsan Federaaliisimka iyo xujooyinkooda:

Waxaa jira dad farabadan oo mucaaradsan nidaamka Federaaliisimka waxayna sabab uga dhigeen waxyaabahan aan hoos kuxusi doono:

=Waxay leeyihiin nidaamka Federaalka waa mid dhibaato hor leh kusoo kordhin doona xaalada Soomaaliya qaasatan markeey imaato in laqabysado dhaqaalaha iyo qayraadka deegaankaas, sidokale waxaa mushkilad ka’imaan doontaa sida loo sameeynayo xuduudaha maamulada.

=Nidaamka Federaalka maahan mid lajaanqaadi kara Soomaaliya, maxaa yeelay nidaamkanw axaa loogu talagalay dad kala diin ah kala luqad ah sidaa darteed Soomaali waa isku luqad isku diin isku midab.

=Nidaamka Federaalka waa nidaam ajnabi ee maahan nidaam Soomaaliyeed ama ay qabto diinteena islaamka, in Soomaaliya lagu dabaqana waxaa kadanbeeya dano siyaasadeed qaasatan doowladaha cadawga Soomaaliya ee Dariska nala.

Gabo gabadii, nidaamka Federaalka in lagu dhaqo Soomaaliya waa in marka hore ay katimaadaa rabitaanka shacabka waana inuu ahaadaa mid isku keena Soomaalida marka laga hadlayo masaalixda guud iyo midnimadeeda ee maahan in ay dowlado ajnabi ah nagu qaasbaan kuwaasoo dano gaar ahaaneed naga leh.

W/Q: Hassan Abdi

 Nairobi, Kenya