Fernando Torres: Waan necbahay in la iigu yeero ‘El Nino’

Fernando Torres ayaa daaha ka qaaday inuu necbaa in loogu yeero niinaastiisa ‘El Nino’ wuxuuna sheegay inuu xitta ciyaaryahanada ay isku kooxda yihiin cayn jiray xilli uu ka welwelsanaa inay tageerayaashu bartaan magaciisa.

Weeraryahanka Chelsea, ayaa mid wax soo saar badan ka noqday Barclays Premier League markii uu Atletico Madrid uga soo biiray Liverpool, wuxuuna sheegay inuusan qofna rabin inuu la hadlo sababtoo ah wuxuu ka shaki qabay qatarta ka iman karta.

Isagoo la hadlaayey website-ka rasmiga ah ee Chelsea Torres ayaa yiri: “Ma sahlan inaad timaad meel kugu cusub aadna kasoo baxdo booskaada. Waxaad dareemi kartaa inuusan qof ku jecleysan ama waxaad u baahan kartaa saaxiibo cusub, ma ahan mid sahlan mana ka helo waxyaabahaas oo kale. Ma ahan mid fudud, sidaas darteed waxaad u baahan tahay inaad ciyaaryahanada iska difaacdo adigoo kaligaa ah.

“Waxay aheyd wax aan bartay markii aan 16 jirka ahaa ee aan kusoo biirayey qolka lebiska ee Atletico, qofna ma dooneyn inuu ila hadlo sababtoo ah way kuu hanjabayaan. Waxay iigu wici jireen “El Nino” sabatoo ah qofna ma aqoon magaceyga. Ma aanan jecleyn mana ahan wax la jeclaado, laakiin qolalka lebiska ayaa ahaa kuwo isku qasan iyadoo ciyaaryahanadu ay ka imaanayeen caalamka  daafihiisa, waxayna leeyihiin hab dhaqano kala duwan.

“Waxaan ahaa 19 jir kabtan u ah  Atletico, waxaan kooxda u wada ciyaareynay Demetrio Albertini oo kusoo guuleystay sedax Champions Leagues, iyo Sergi Barjuan oo nooga soo biiray Barcelona isaguna wax walba wuu soo qaaday, waxayna ahaayeen 32 jir iyo 33 jir.

“Kuray yar oo kabtan ah ayaan ahaa, sidaas darteed ma aheyn kabtan dhab ah, hada yaraanteydii ayaan wax uga soo bartay. Waan xirnaa caalamada kabtanka balse waxay ahaayeen hugaamiyeyaasha kooxda wax badan ayaana kasoo bartay.

“Waan xasuustaa markii aan imid Liverpool, Pepe Reina [Gool hayaha Liverpool] ayaa wax walba iga caawiyey wax walbana waa ii fududeeyey. Markii aan kabtanka u ahaa Atletico Madrid waxaan isku deyi jiray inaan qof walba caawiyo. Taasi waa aasaaska kubada cagta, waxaad u baahan tahay inaad sameyso dareen waxaadna isku deyeysaa inaad sameyso Group saaxiibo ah. Ma ahan mid sahlan mana dhacdo inta badan laakiin waa inaad isku daydaa.”

W/Q: Ahmed jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.