“Fidnada ay Puntland wado waxba kaga qaadi mayso jamhuuriyada Somaliland”

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa maanta ka hadlay dagaalka kasoo cusboonaday deegano ka tirsan gobolka Sanaag.

Bulaale ayaa sheegay in dagaalkan dib uga dhex qarxay Somaliland iyo Puntland, ay ka dambeysay Puntland, taasi oo uu sheegay inay daan-daansi ku hayso xaduudaha Somaliland.

Xildhibaan Bulaale oo ka hadlaya arrintaasi, ayaa wuxuu sheegay in Puntland ay wado fidno ay Somaliland waxba kaga qaadi kareyn, kaasi oo ugu baaqay inay joojiyo, wuxuuna yiri

“Somaliland haddii aanu nahay mar walba waxaanu jecel nahay nabada, iyo in aanu cid kasta nabada kula noolano,xad gudbkaas ay Puntland ku soo xad gudubtay xadka Somaliland, wax faa’iido ah kamay dhaxlin”.

“Maamul Goboleedka Puntland waxaanu leenahay xadkiina ku eekada, oo xad-gudubka aad ku soo xad gudubteen xuduuda Somaliland joojiya, Shacabka degan Badhan, Shacabka degan Dhahar, Shacabka degan Laascanood, iyo guud ahaan Shacabka degan Deeganada kala duwan ee Somaliland, waa dad asal ahaan Somaliland ah, wax walbana qaranimada ayaa ka weyn”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Fidnada ay Puntland wado waxaanu leenahay waxba ku qaadi maysaan ee joojiya, waxaana idin dhaqan noqday in bil kasta oo Ramadana aad fidno abuurtaan, ee fidnadaas iyo coladaas joojiya, oo xadkiina ku eekada, Ciidamada Qarankana waxaan ku hambalyeynayaa siday mar walba heegaanka u yihiin ee qarankooga uga difaacayaan cid kasta oo ku soo xad gudubta”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com